| Xus
Balaadhan Oo Loo Sameeyay Maalinta Shuhadada SNM Ee 17 October
1984-kii Ee Dhacdadii Burca-duuray

Munaasibad Lagu Xusayay
Sanad-guuradii 24 Ee maalinta Shuhadada SNM, ayaa xalay lagu qabtay
magaalada Hargeysa.
Xuskan oo uu soo qabanqaabiyay urur wadani ah oo lagu magacaabo SRC
(Somaliland Reseach Centre), waxa ka qaybgalay qaar ka mid ah
saraakiishii SNM, xubno ka socday ururada bulshada Rayid ah iyo
marti sharaf kale.
Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii u horeysay
ee u talaaba SNM oo hadal-dheer halkaa ka jeediyay ayaa ka waramay
dagaalkii 17 October 1984 tuulada Burco-duuray ku dhexmaray
mujaahidiintii ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed (SNM)oo u
hogaaminayay Muj. Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo ciidamadii
dawladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaanu sheegay in xuska maalintaasi
kulansaday inuu ahaa dagaalkii ciidamadoodu ugu dhimashada
badnaayeen wixii waqtigaa ka horeeyay iyo xuska Muj. Lixle iyo sodon
kale oo kaga dhintay.
Muj. Maxamed Kaahin waxa uu ka hadlay sababihii dhaliyay burburkii
Jamhuuriyaddii Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay inay ku timi
markii maamulkii Maxamed Siyaad Barre xaqiray dadkii taariikhda
lahaa ee Soomaaliyeed. Waxa uu ka hadlay sababaha Manhajka
waxbarashada Somaliland looga saaray taariikhda SNM, waxaanu sheegay
inay sabab u tahay xukuumadda Rayaale oo aan jeclayn taariikhda
ururkii SNM.
Berigii dhawayd waxa laga murmayay Manhajka waxbarashada ma lagu
daraa. Waad maqlayseen qolada Wasaaradda Waxbarashada iyo dooddii ka
dhashay. Arrintaasi maaha taariikhdii SNM oo la waayaye waxa weeye;
raga xukuumadda maanta joogta ayaan jeclayn taariikhda SNM-ta.
Waanu garanaynine, taariikhdii shalay la soo maray hadduu diido,
isaguna beri bilaa taariikh buu noqonayaa, waana inuu taariikhdaa
qiraa.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaanu intaa raaciyay oo
uu yidhi, “Taariikhda SNM way qormaysaa, waa la qorayaa, nin walba
Indhisiisa oo shan ah baa la qorayaa oo dalka nin-na marti looga
noqon maayo.
Waxa uu sheegay inay gacan u siinayaan ururinta taariikhdii halganka
ururka SRC oo sheegay inuu ururin doono, waxaanu tilmaamay inuu jiro
kayd-taariikheed door ah oo ka hadlaya halgankii SNM, oo ay hayaan
shaqsiyaad muwaadiniin ah oo ururintiisa isku hawlay, isaga oo
arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Marka aynu doonayno inay
taariikhda halkeedii marino, sida aynu u doonayno inaynu u marino
go’aankeedii qaybtaad leedihiine waa inaad ku talaabsataan…. Siciid
Xaaji Axmed Qulumbe (Guddoomiyaha ururka TOGGA) in door ah buu
ururiyay, saddex sanno ka horna in badan buu ururiyay Cabdiweli
Faarax Jaambiir (Suxufi ka tirsan wargeyska Ogaal), oo laga sii dayn
jiray Telefishanka Madaxabanaan ee Hargeysa.”Muj. Cabdikariim Xaashi
Cilmi oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhacdadii 17
October, 1984-kii oo loo aqoonsaday maalinta Shuhadada
Mujaahidiintii SNM iyo taariikhdii Muj. Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle).
Farxiya Jaamac Xuseen oo ka mid ahayd kalkaaliyeyaashii Caafimaad ee
SNM oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa ka warantay doorkii haweenku
ku lahaa halgankii SNM.Maxamuud Sheekh Cumar oo isna ka mid ahaa
halgamayaashii SNM ayaa qaybo ka mid ah taariikhdii SNM ku
wareejiyay ururka SRC ee xuskaa soo qabanqaabiyay, kaasoo sheegay
inuu ku hawlan yahay ururinta taariikhdii ururkii Dhaqdhaqaaqa
wadaniga Soomaaliyeed (SNM).
Faysal Cali Sheekh oo ka mid ahaa ciidamadii SNM, haatana ah
Guddoomiyaha Wargeyska Madaxabanaan ee Jamhuuriya oo isna hadal
kooban halkaa ka jeediyay, ayaa sheegay inay haboon tahay in ururin
iyo qoritaan lagu sameeyo guud ahaan taariikhda halgankii SNM,
kaasoo uu xusay inay muhiimad weyn u leedahay da’yarta
Somaliland.Sidoo kale, xubno door ah oo ka tirsanaa SNM oo halkaa ka
hadlay waxay isku raaceen ahmiyada ay leedahay kaydin iyo qoritaan
sugan oo dheelitiran oo lagu sameeyo sooyaal-taariikheedka halgankii
SNM.
Hadaladaas ka hor, waxa munaasibadaa lagu soo bandhigay filim
muuqaal ah iyo kayd taariikheed sawiro ah oo la xidhiidha
halgamayaashii iyo dhacdooyinkii ururkii SNM.
Waxa kale oo lagu soo bandhigay bandhig-faneed iyo suugaan xuska
maalintan iyo taariikhda SNM ka hadlaya oo dhextaal looga dhigay
munaasibadaas.
Source: Wargeyska Ogaal
|