Xus
iyo Xasuus: "Halgankii suugaaneed ee Cabdi
Muxummad Ammiin IHN
Afeef: Qoraalkan ku saabsan
Marxuum Cabdi Muxummad Ammiin, kuma dhamma suugaantiisii
ballaadhnayd. Waxa keliya ee aan ugu talogalay in aynu ku xasuusanno
uguna ducayno suugaantiisii ku wajahnayd higsiga horumarka.
Ilaahay ha u naxariistee Cabdi Muxummad Amiin, waxa uu dhowaan ku
geeriyooday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Cabdi waxa uu ku
dhashay deegaanka Gabiiley ee Somaliland. Wuxuuna ka mid ahaa
hal-abuurada soomaaliyeed kuwa safka hore kaga jiray guubaabada
dadka. Waxa uu markasta soo gudbin jiray dareenkii jirey. Qoraalkan
waxa aynu si kooban ugu eegi doonnaa suugaantiisii soo taxnayd muddo
ku siman afartan sannadood. Suugaantiisa waxa ka muuqata in uu
markasta jeclaa horumar ay dadka soomaalidu gaadhaan. Dareenkiisu
waxa uu la jaanqaadayey kolba xaalladdii siyaasadeed ee dadku ku
sugnaa. Bal marka hore aan inoo soo hormariyo lixdamaadkii iyo
Maansadan la magacbaxday Geediga Wadaay. Anigoo tixraacaya buugga la
magac baxay HILIN HAYAAN oo lagu soo ururiyey suugaantii Abwaanka.
Heestaa waxa ka mid ahaa tuducyadan: " Nin gumaysi raacay, Isagaw
go'aayee, Gobanimo nin doonay, Guulbaw danbeysee, Guulaystayaaloow
geeddiga wadaay, Dadkii nala gudboonaa, Dayaxuu u guuree, Nin qabiil
gargaarsaday, Meelna gaadhi maayee, Guulaystayaaloow Geeddiga wadaay.
Heestaa waxa uu abwaanku curiyey 1962kii. Bal aan raaciyo 64kii iyo
heesta SOO DHAQAAQA, Dhallinyahay dhammaanteen, Dhimashadu xaqweeyee,
Kana dhawrsan maynee, Dhulka aynu daafacnee, Soo dhaqaaqa,
Ciidankeenna dhaarsan, Dhinaca aan ka raacnee. Hubka dhabarka
saarnee, Soo dhaqaaqa, Maanta waa dhabtiiyoo, Dheeldheel ma joogtee,
Cadawga aan dharbaaxnee, Soo dhaqaaqa. Isla afar iyo lixdankii ayuu
abwaanku curiyey heestan uu kula hadlayey xoghayihii ugu horreeyey
ee ururka midawga Afrika. Isagoo ku soo halqabsanaya Diyaalo Teeli
oo ahaa xoghayihii midawga afrika. Haddii aad duqii tahay,
Afrikaanku doorbiday, Xaqa lama dabooloo, Dalab looma yeelee, Waa
inaad Diyaalow, u digtaa Axmaarada., Danwadaagta Afrikada, ee Xayle
duudsiyey, Annagoo aan diidayn, Oy daacad naga tahay, waa inaad
Diyaalow, U digtaa Axmaarada.
Dareenkaasi waxa uu ahaa kii lixdamaadkii. Qaybaha danbe ayeynu ku
daalacan doonnaa, sida uu dareenkaas midaysnaa ee soomaalinimada
ahaa uu u soo gudhay. Waxa aynu ugu tegi doonnaa qoraalka qaarkiisa
danbe, oo uu abwaanku ka soo jabhadeeyey dalka Itoobiya. Markii uu u
adkaysan waayey dulmigii uu ku kacay maamulkii Maxamed Siyaad Barre.
Inta aynaan halkaa gaadhin aynu ku yara hakanno 1966kii iyo heestan
la magacbaxday MA ANOO DHULKAYGII. " Ma anoo dhulkaygii, Cadaw kala
dhantaalaan, Ma anoon dhashaydii, Dhammi wada xorayn baa, Dhagdhag u
qoslayaa, Oon dheelayaa ciyaar, Aynu dhiidhinnoo, Dhiig u daadinnee,
Soo dhaqaaqa. Waxa ay ka mid ahayd guubaabooyinkii ugu mudnaa ee
xilligaa ku habboonaa. Isla sannadkaas ayuu curiyey heestan la magac
baxday ISTICMAARKII DHULKEENNII. Calankaad dhidibteen, Dhibta aad u
marteen, Inyar baa dhaxashoo, Keligood ka dhergee, Dhammaanteen kaca.
Dhallaankeennii waa kaa, Gaajo dhaaxa qadee, shisheeyuhu dhergayee,
Dadna dhawranayee, Dhammaanteen kaca, Dhabeeya oo u dhaarta.
Markii uu curtay kacaankii lagu hoobtay 1969kii, sidii dadka
badidoodaba ay u gashay yididiiladu, ayuu abwaanku ka tiriyey dhawr
maanso oo aynu ka soo qaadan karno kuwan soo socda. Heesta la yidhaa,
Kol haddii Guulaystayaal, Geeddigii la waday, oo uu guure yahay, Iyo
galab carraw, Kii garanayee, Gobonimada jecel, Hadduu caawa go'o,
Godka wuu ku ladi. Kol haddii guulaystayaal, shaqo loo guntaday, Oo
gaajadii, Gunta inaan ka jaro, Uu guddoonku yahay, Kii garanayee,
Gobonimada jecel, Hadduu caawa go'o, Godka wuu ku ladi. Heesta la
magacbaxday DADKAAGA DHINACA KA RAAC, OO SOO BAXDAY 1971kii aan
dheehanno. Waxa ka mid ahaa. Dhiig miirad inuu dhammaado, Isku dheri
ahaanno, Dhiig miirad inuu dhammaado, Isku dherer ahaanno,
Dhiigmiirad inuu dhammaado, Isku dhumuc ahaanno, Dhiigmiirad inuu
dhammaado, isku dhogor ahaannaa, loo dhaqaaqee, kii dhuumanaayee,
dhabarku muuqdoow, waa dharaar lagu dhawrayaaye, dadkaaga dhinaca ka
raac.
Bilawgii todobaatanaadkii waxa jirtey dabayl Hantiwadaag, oo dadka
intooda badani ay u arkayeen in ay tahay mid lagaga bixi karo,
dhibaatooyinkii jirey. Abwaanno farabadan ayaa suugaan ka tiriyey
dareenkaas. Marxuum Cabdi Muxummad Ammiin waxa uu la qabay
dareenkaas dadkiisa, waxa aad ka garan karaysaa isla heestaas oo uu
leeyahay: " Hantiwadaagu inuu dhisnaado, Dhulku hodan ahaado,
Hantiwadaagu inuu dhisnaado, Gartu dheelli tiranto, Hawl loo
dhaqaaqo, Hantiwadaagu inuu dhisnaado, Cudur aan dhammaynaa, Loo
dhaqaaqee, Kii dhuumanaayee, Dhabarku muuqdoow, Waa dharaar lagu
dhawrayaaye, Dadkaaga dhinaca ka raac. Marxaladdaa hore ee
todobaatanaadkii aan ku soo afjaro heestii caanka ahayd ee CAYNAANK
HAY. Waxa ka mid ahaa heestaa, Waddadii caddayd, cagta saarnaye, Ku
carraabiyoo, Cimrigii jiriyoow, Jiriyoow jiriyoow, Weligaa hay.
Caqli toosanoo, Caafimaad qabaad, Nagu caymisee, , Cududoo midiyo,
Caanaha wadaag, waa caadilnimee, Cimrigii jiriyoow, jiriyoow
jiriyoow, caynaanka hay, Weligaa hay.
Si aynu u fahanno dareenkii 1971kii sida uu isu bedeley 1981kii bal
aan dhuganno isla abwaanku heestii uu ku cabbirey dareenkiisii
xilligaa. Hees la magac baxday Caynaanka daa, ayuu 81kii curiyey
abwaanku isagoo jooga Itoobiya. Waxa ka mid ahaa, Waddadii caddayd,
Cidhif dhaaftayoo, cayn kale u rogtee, Cimrigii dhacyoow, caynaanka
daa, Noo sii daa. Cududdaan midayn, Caanaan dhansiin, Nagu cidhib
jartee, Cimrigii dhacyoow, dhacyoow dhacyoow, Caynaanka daa, Noo sii
daa. Ciilbaan qabnaa, Keligii cunoow, Ciiddaad geliye, Cimrigii
dhacyoow, Caynaanka daa.
Labadaa heesood waxa u dhexeeyey 10 sannadood. Waxa la odhan karaa
xilligaa waa laga rajo dhigay maamulkii markaa jiray. waxaanay ahayd
in markaa loo maaro helo. Nasiib darro may suurta gelin in la helo
dad midaysan oo si wax u wada arka, ee dad badan ayuu maamulkaasi ku
guulaystay in ay difaacaan nidaamkiisii qalloocnaa. Waana ta ilaa
maanta taagan ee soomaalida kala kaxaysay. Waxa aan u soo qaatay
labadaa heesood ee kala aragtida duwan, si aynu u fahannao abwaanku
sida uu dareenkiisa u muujiyey labada jeerba. Marxuum Cabdi muxummad
oo tilmaan ka bixiyey sidii ay ku curatay heesta hore ee Caynaanka
hay waxa uu yidhi: " Heestan dad baa necbaa dadna waa jeclaa, waxa
ay si adag u taageeraysay, hoggaamiyihii kacaanka, Maxamed Siyaad
barre. Kumaan samayn heestaa laab la kac iyo wax ha lagugu siiyo, ee
waxa ay ku timi si niyad ah oo aan ku faraxsanaa, anigoo xasuusnaa
xukuumadihii ka horreeyey waxtar la'aantoodii". Waa laba dareen oo
kala jaad ah, waa laba dareen oo sawir ka bixinaya yidiiladii dadku
qabay horraantii todobaatanaadkii iyo niyad jabkii siddeetamaadka
horraanteedii.
Si aan qoraalku u dheeraan aan soo koobo oo inoo dooro dhawr maanso
oo uu abwaanku ku cabbiray dareenkiisa. Maansada la magac baxday
JABHADIIN waxa uu tiriyey abwaanku 1982kii. Xilligaas oo uu ka mid
ahaa jabhaddii SSDF ee dhammaadkii sideetamaadkii burburtay. Waxa ka
mid ahaa maansadaas:
Bilawgaba siyaasaddu
Way baallo badantahay
Waana sida baddoo kale
Boolo xoofto iyo hadal
Iyo baanis joogto ah
Mar baa lagu baxnaanshaa
Midna heerka ugu ba'an
Bunduq baa la qaataa
Rasaas la isku boobaa
Dhiiggu balalax leeyaa. |
Sida maansadaba ka muuqata waa
markii qoriga la qaatay waa bilawgii burburkii jamhuuriyaddii
soomaaliyeed. Waa markii ay u baahnayd in loo gurmado dadka iyo
dalkaba. Nasiib darro taasi may dhicin ee maamulkii markaa jiray
waxa uu adeegsaday xoog iyo muquunin, sidaa daraaddeed ayuu abwaanku
inna tusinayaa in halganka siyaasaddu uu yahay labo, in la wada
hadlo oo la doodo. Haddii taa lawaayo jidka kale ee furan inuu yahay
dagaal foodda la is daro. Isagoo sii faahfaahinaya dagaalka, waxa uu
leeyahay:
Maydku sida baldhoolaha
Ama beer nin lihi jaray
Buur-buur u yaallaa
Inta badan xaq bili lehe
Kuwii waday balaayada
Barbar loogu tuuraa
Baashaad ka eegtaa
Batar iyo kabeebey
Beerreey ha moodine
Halgan waa bir-lab u noqo.
|
Hal adayga abwaanka ayaad ka
dheehanaysaa baydka ugu danbeeya, marka uu leeyahay "Halgan waa
Birlab u noqo". Suugaanta abwaanka waxa aad ka dhex helaysaa
markasta xaaladdii lagu jiray. Muddo markii uu ka mid ahaa jabhaddii
SSDF ayaa waxa bilaabanatay saluug la saluugay maamulkii jabhadda.
Waxa lagu kala aragti duwanaaday qaabkii wax loo waday. Halgankii
ayaa yeeshay bilawgiiba weji qabyaaladeed. Abwaanku qabiil ahaan
ugumuu jirin jabhadda ee wadaninimo ayuu ugu jiray, taasoo uu
dareemay in aanay ahayn wixii ay u halgamayeen. Inkastoo aanuu
abwaanku faahfaahin ka bixin waxa uu sheegay in ay aad u kala aragti
duwanaadeen maamulkii jabhaddii SSDF oo uu madax ka ahaa Cabdilaahi
Yuusuf Axmed. Hadaba muxuu ku danbeeyey dareenkii abwaanku. Waxa ay
soomaalidu tidhaahdaa: "Nin sigtay ma nabad gelin" Marxuum Cabdi
Muxummad Ammiin iyo laba ka mid aha saaxiibadiisii ay aadka isugu
dhowaayeen oo goob wada fadhiya ayaa la soo weeraray. Magaaladu waxa
ay ahayd Diridhabe. Waxa goobtaa lagu dilay saaxiibaddiisii qaaliga
ahaa oo uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Caydiid, ilaahay ha u
naxariistee. Abwaan Cabdi Muxumadna goobtaas waa lagu dhaawacay.
Heestan ayuu ka curiyey dareenkaas naxdinta lahaa:
Maxaan hog Abeeso galay
Maxaan halaqyo ugu tegey
Maxay miciyo i heleen
Maxaan waabay hirqaday
Maxaan geerida ka hadhay
Hobeeya hobeey hobeeya
Hobeey caashaq huursanoow wa
Hobeey hurdan taaganoow wa
Hobeey ubax ii hiraay wa
Hobeey guul aan hubooy wa
Maxaan keligay hammiyey
Kuwii hiil iigu xigay
Hareertay maxaan ka deyey
Muxuu igu dumay habeen
Maxay ilmo hibiq itidhi
Maxay talo iga hab tidhi
Maxaan hiil mooday jiin
Sidii caanaha hirqaday
Habsaamay oon hadalka gabay
U hoyday meel aanan hubin
|
Ugu danbayn. Iyada oo aan qoraal
keliya lagu soo koobi karin suugaanta ballaadhan ee marxuum Cabdi
Muxummad Ammiin aan ku soo afmeero qoraalkan aan ugu talo galay
keliya in aan ku xuso kuna xasuusanno ilaahay naxariistii janno ha
kawaraabiyee abwaankii caanka ahaa Cabdi Muxummad Ammiin, Maansadan
la magac baxaday MAXAA DENBI LAYGA GALAY. Waxa ay ku saabsantahay
dhibaatadii soo martay dadka soomaaliyeed. Waxa uu curiyey maansadan
1987kii. Waxa ay odhanaysaa:
Ilaa iyo dalan dalkaygii
Maxaan dulmi soo arkaayey
Maxaa danbi layga galay
Maxaa dubbe layla dhacay
Maxaa feedh laygu daray
Maxaa daankiyo lafaha
Daqiiqaha layga dhigay
Ka daaya aan cidina odhan
Wuxuu isticmaarkii dura
Dan iyo maan ii dilaayey
Wuxuu dusha iga raraayey
wuxuu dulle ila dhacaayey
Wuxuu dibnahayga ooday
Wuxuu indhaha iga daboolay
Wuxuu noloshayda diidey
Sow dirqi dalka kagama saarin
Muxuu hadba kaan dalliciyey
Dukaamiyo daaro jeexday
Muxuu durduriyo harraati
Isugu kay daray labadaba
Maxaa danbi layga galay
Maxaa nolo laysu diiday
Maxaa dabkii dhaxmooday
Maxaa dawadii bukootay
Maxay danyar dibad wareegtay
Maxay gaajo deris la noqotay
Maxay dugayeydu yeedhay
Maxaa danbi layga galay.
|
Qore: Sayid Maxamed Yuusuf
gacanlibaax2001@yahoo.se
Sweden
|