Xusbi iyo cod xaraash xor ah oo xalaal ah oo doolar loogu Xirsi xidh


 

 

 

Todobaadkan iyo Weriyaha Laanta Hawada, Hargeysa.

"Doorasho Xor ah oo xalaal ah waxaa ka mudan cod xaraashid xor ah oo xalaal ah

Diiwaangelin xor ah oo xalaal waxaa ka mudan cod bixin xiloo xaaraan ah oo doolar loogu xudun xidhay".

Sidaa waxaa qalinka ku duugey Golayaasha Sharci dejinta iyo dilaalinta siyaasada.
 



Qofwaliba dan leh, tan waa la isku waafaqay waxaa sacab ku taageeray Komishankii iyo dilaal ka guud doorashooyinka qaranka. Dawladii aqbalkeen doolarkay ayadey. Xusbiyo qarameedka, Ururada aan weli la diiwaangelin ee hummuumaya in doorasho qabsoonto oo ay soo baxaan iya guna kamay didin. Dadweyn sidii beryo qaarkood ma ah lax dhukani abaar moog waa baayacta mayaan. Warbaahintii karis xun iyadu way ku wax la'dahay."



Waxaa lagu jiraa marxaladii labaad ee ballanqaadyadii xusbiga talada dalka loo igmadey ee Kul miye. Wuxuu fuliyey furitaankii xusbiyada iyo tartankoodii. Ninkii waalaayow lagu fasax. Xusbi furashadii waxay noqotay tusbax furtay. Waxaana la isku raacay in aan garaad, aqoon iyo wa ayo aragnimo la kala gadan oo aan la tixgelin, ciddii la timaadana xabsiga loo taxaabo oo la tako oro.


Xusbiyada lagu dhawaaqay ilaa immika waxaa hal ku dheg u ah cimri takoor ( Age discriminati on) oo dhammaan waxay u gacan haadinayaan kurayda iyo ganba yarta waxay takoorayaan rug caddaa. Dhammaan waxay u baaqayaan ab iyo isir la xaraashto codkooda. Waxay takoora yaan garaadka, mabda’ iyo maxaa taqaan. Xusbi aan besha dhexe hogaamineyn ilaa hadda lag uma dhawaaqin marka laga reebo kii hore u jirey SSC in codkooda xaraasha xinjirtana xaraash a.


Guud ahaan dalka waxaa haatan ugu xaamisan saylada cod xaraashka, waxaan la filayaa maal mo dhow in ay bilaabanto saylada xusbi xaraashku oo xusbiyada ilaa haatan lagu dhawaaqay ay codadkii ay xaraashteen, in ay dib-u-sii-xaraashaan. Ninba xeeladii ku xoogsey. Beesha dhex e xusbiyo way ka haqa beeshay. Beelaha aan xusbiyo ku dhawaaqin waxaa qaali ah codkooda oo loo tartamayaa.



Intaas warkii guud dhehe, immikana warar gaar ahaaneed.



Dilaal siyaasadeed Guud: Doorashadii xorta ahayd ee xalaalsha ahayd iyo diiwaangelintii Afrika a ka innagu qoonsatay, madaxdii dawladaha alogeenaa way ka hinaaseen, ictiraafna ku weyna bal maxaan istafiidney. Aniga iyo odayaal dhaqameedkana wayna shaqo tirtay. Warbaahinta oo kelia ayay dan u ahayd. Laabatan sano ayaynu wax been ah ku faaneyney. Wax wada qab waa aade Afrika Caaro ma dheerin, xaqna ma ah in aynu ka dheerayno tolkeen.



Ururka Wakiiladii Abaaleyska ee Dimoqraadiyadii Axdigiiyo Nidarkiiba Ilaawe (Wadani)


Dilaalka ururka Wadani(Wakiilada Abaaleyska ee Dimoqraadiyadii, Axdigiiyo nidarkiiba Ilaawe): Wixii hore quba. Ragii hore quba. Ruug cadda quba. Barakadii Tuur iyo bismilaahidii quba. Dimoqraadiyadii Cigaal baalaleeyey, bilaahi calaykum danta beesha ma ahee quba. Kulmiye qu ba. UDUB quba. Waa qasaaro hagooganey UCID Quba. Distoorkii quba. Diiwaangelintii quba. Tira koobkii quba. Waa denbigii Riyaale galaye raadkiisii quba. Dadaalkii inter peace quba. Dib baa loo guurayaye beelihiina aamina. Haddaad Jufo hayso waa lagaa iibsanayaa, haddaad jilib hays o waa lagaa iibsanayaa, haddaad beel dhan haysana waa lagaa iibsanayaa, haddaad qoys hay so waa lagaa iibsanayaa. Haddaad qof keliya tahayna waxba kuma jabna ee waa lagaa iibsana yaa. Ha is martiyaynina waa innoo Xaraash Xor ah oo xalaaal ah. Xusuusnow dhallinyarada wa xbarashada wadi kari weydey ee xil doonka ah waa loo sedburinayaa. Laakiin waxaa innaga ree ban soo hadal qaadka CV, waayo aragnimo, aqoonsi iyo shahaadooyin.



Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Islamarkaan aha murashaxa WADANI, Islamarkaana ah guddo miyihii Burburka UCID: Laacaan u dhigay dhallinyaradu ma oga laaga ka sokeeya. Lula lula, Giddi giin Lula, Laabta wada ruxa, Laala giddigood laala, laala laala wixii hore.la jiifiyaana banaane la ala oo laala. Dhallinyaradu Laanta gebiga u saaray intay laac isleeyihiin ma og laaga ka sokee ya.



Dimoqraadiyadii: Walee aniga i reeb waa suu jaban yahahay



Distoorkii: Iska aamu koleyba sidii yawle, magliguu afeeyaa muruqa goyn doona



Kaardhkii Doorashadii: Adaan dhaadin mooyee dhalanteed nin lagu sabay miyuu dhul u dhacaay aa. Ogow dhuumashada qaar uu dhamarku muuqdaa waa dhib iyo hadimee, waa dhib iyo hadim ee.



Koomishankii: Oodi qaadis iyo jeedis waa isla ruga geyn, waa subug meel ku daatay sinna kuma xummaado. Mar haddii la isku raacay waan kaga dhabaynaynaa.



Dawlada: Waxaa innoo daran doorashada golayaasha deegaanka oo qabsoonta. Golaha wakiila du wuu carbisan yahay, Golaha Guurtidu waa hayin lagu guuri karo. Sidani waa habka ugu dhak hsaha badan ee Hadhaagii kulmiye, hadhaagii UDUB iyo hadhaagii UCID ee dawladaha hoose loo ga takhlusi lahaa ee ay ku imman lahaayeen kuwa xaraasha ah oo doolar iyo xirsi loogu xudun xidhay xidhay.



Weriyaha Laanta curdinka:
Xusbiyada ilaa haatan lagu dhawaaqay waxay ka siman yihiin maga cyada. Wadani mooyee inta kale Akhristoo adigu soo buuxi oo ii soo sheeg.



Ururka Shaqaalaha Somaliland ....... Khaliif Xiin Waal

Wadani.....Cabdiraxman Cirro

Dalsan .....Ismaaiil Yare

Nasiye .....Axmed Talyaani

SSC........Kayse Cabdi YuusuF

Rays .... Xasan Maxamed Cali

Kaah  ......


Waa magacyaan gaagaaban oo Kulmiye lagag daba xigtey oo aan habayaraatee garaad iyo uj eeddo midna xanbaarsanay. Waxaa kale oo ay ka siman yihiin in ay yihiin urur qof leeyahay oo aan cidi la wadaagin. Waa guddoomiya yaal ku wada meel gaadh ah oo beel qudha ka soo wada jeeda, marka laga reebo ururkii hore u jirey ee SSC oo isagu cod iyo caara dhuuba xaraashaya. Urudan qofkii maalgashaday ayaa iska leh, maalintuu doono ayuu xaraashi karaa oo waa hanti gaar ahaaneed oo isagu iska leeyahay. Cidduu ku galeysaa haddow ha is odhan ku lalihi. Waxaa dadku kala dooranayaa magaca qofka magaca uu bixiyo xusbigiisa.

Wariyaha Laanta gubadle: Awdal meeday?

Weriyaha: Awdal xusbi cusub ma haleeleyso ku-xigeen looga dacaree, UDUB-na loo diid. Kulmiye ayaa tababar u furay qabyaalad ah oo aanay muddo dheer isticmaalkeeda ku soo dhawaan, wa xay ku jiraan shahaado qubkii. Odayaal dhaqameed ayay ku murmayaan. Haddba koox wasiira ah ayaa ku sii socota oo ka soo socota. Aqoontoodii sare Waa bilaash cannu.

 

 

 

 

Haamud  Duale