Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qormadii: 4aad

 


“Markaa xilligaa dareenkii aanu ku sugnayn wuxu ahaa difaacii hore oo aanu ku kala jirno uun mooyaane, ayaanaan saacaddaa aamminsanayn in ay na soo weerarayaan. Dareenkaa ma aanu qabin. Haa…kooxdayadii sahanku in kasta oo aanay haleelin in ay madaxdii u warramaan haddana annagu waanu ogsoonayn in ciidankii cadawgu Qol-buulalle isku soo urursadeen.”

Si aynu sheekada uga boganno, bal Mujaahidkeenni Yuusuf Meydal Cumar  w axoogaa tafaasiil ah ha inaga siiyo ciidankii SNM iyo sidii uu u habaysnaa, wax aanu ku yidhi muddaakaradiisii dheerayd:

“Ciidankayaga tiradiisa guud waxay ahayd 350 Mujaahid. Waa ciidankii  Guuta dii Sayid Cali dhammaanteed. Marka laga reebo Ururkii 1aad oo murankaasi ka dhex oognaa, jiidda hore ee difaaca waxa ku sugnaa ilaa 200 oo Mujaahid. Difaaca waxaanu kaga jirnay laynka woqooyi ee waddadii Qaaxo oo kale ah. Ururkii 2aad iyo qayb ka timid Ururkii 1aad difaaca hore ayay ahaayeen. Ururkii 3aad oo Lixle Taliye-urur u ahaa laba ayuu u qaybiyay. Badh u noqdo xoojin Ururka 2aad oo bidixda ama galbeedba xigay, badhka kalena ciidankii bariga ka dagaallamayay xoojin u noqdo oo ka ilaaliyo wixii dhabar-jebin ku imanaya. Lixle oo isla markaana Taliye-guuto noo ahaa wuxu raacay Ururkiisii 3aad qaybtii xoojinta galbeedka looga dhigay.”

Siduu ku bilaabmay weerarku?

Malaha dhareerka ceshan kari meysaane, aynu Mujaahid Yuusuf Meydal  Cu mar ku noqonno is-na Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’, waxaanu yidhi:

“Weerarka cadawgu galbeed ayuu naga qabsaday oo tuulada Kun-gaws ayay ka soo dhaqaajiyeen. Qaybtii halkaa ku sugnayd oo Lixle la joogay ayay la soo kaceen oo difaacii wajahadda hore is-ma ay qaabbilin. Iyada oo ta Alle qornayd waa sababta ay Lixle iyo qaar kaleba maalintaa u dhimanayaan. 1.17 daqiiqadood oo gelinkii danbe ah markii aanu halkaa isku haleellay iyagu waxa ay isu qaybiyeen saddex raac: 1aad, 2aad iyo 3aad. Wuxu  qorshaho odu ahaa oo ay ku soo talo-galeen in ciidankan Sayid Cali oo ahaa cududdii ugu adkayd ee SNM aanu mid ka bixin oo ay halkaa ku burburiyaan. Ballan-qaadka ay qabeen wuxu ahaa haddii ay soo guulaystaan ama ciidammada Mujaahidiinta ay gacanta ku soo dhigaan in askarigiiba ama sarkaalkiiba laba darajo la dallacsiinayo.”

Maalintaa markii aaan Yuusuf Meydal Cumar wareysanayay waxa iyaguna nala joogay Mujaahid Diiriye Cabdillaahi Yuusuf (Diiriye-gaab) iyo Mujaahid Maxamuud Cabdi Xasan (Quulle). Intii uu Yuusuf Meydal Cumar oo qudhiisu ku dhaawacmay maalintaasi I lahaa 1.17 daqiiqadood, saaxiibbadii waxay ka hoos lahaayeen 1.15 daqiiqadood. Waxay ku muransanaayeen laba  daqiiqad o od. La iskuma hayn maalinta, taariikhda, goobta iyo sannadka midna. Waa Mujaahidka iyo caadadii. Intuba waxay ku xardhanaayeen korkooda.

Jidhkooda ayay taariikhda iyo saacadduba ku qornaayeen. Xubnahooda  go’a y ee ay hureen ayay ku xusuusanaayeen. Dhiiggooda iyo dheecaankooda  ay ay maalmaha iyo saacaduhuba dhex socdeen. Ma xigtaa tuduc hore loo yidhi oo halkii Deeqa ma geliyaa saaxiibkay Quulle oo ma idhaahdaa:

“Quulloow hadday doonayaan, dulucda taariikhda,
Ha dayeen dushaaday ku taal, diillin keydsaniye,”

Idinka oo raalli iga ah, bal aan Yuusuf Meydal Cumar xusuustiisii dihineyd  god ol kale ugu laabto, waxaanu yidhi:

“Raacii 1aad ee cadawga ayaanu foodda is-darray. Markiiba waanu la  kacn ay oo jebinnay. Raacii 2aad ayaanu casarkii is-gallay is-na waqti badan  nag uma qaadan in aanu cagta marinno, kabahana ka subkanno. Raacii 3aad ee cadawga gabbalkii ayaa iskugu kaaya dumay. Ilaa cawayskii markii ay  saac addu ku sugnayd ilaa 8dii habeennimo waanu dagaallamaynay. Khasaarihii na soo kala gaadhay wuxu si fiican oo tifaf-tiran ugu xardhanaa warbixintii  Ibra ahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa.”

Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar oo aan muddaakarooyinkaa aan marna kala jarin oo iskii u daalay, malaha harraadna hayay oo aannaan biyaba haleelin, ayaan ku idhi ugu danbayn xusuustaadan maxaan kaa guntaa hadal, waxaa nu ku soo gunaanaday:

“Xaalad dagaal marka aad ka warramayso qofba waa inta uu ka arkayaa  a ma halka uu kaga sugan yahay. Qof dhacdooyinka goob-joog u wada noqon karaa ma jiro. Maalintaa waxa xusuus gaar ah ii lahaa dhaawicii halista ahaa ee iga soo gaadhay dagaalkaa.”

Maalintaa aan wareysiga qaadayay, Diiriye Cabdillaahi Yuusuf is-na midh iyo laba mahadhooyinkiisii ka mid ah oo aan ka guntay iga hooya, waxaanu yidhi:

“Waxaan maalintaa si gaar ah u sii xusuustaa dhaawac halis ah oo iga soo gaadhay saddex xabbadood oo igu dhacay ugu danbayntiina lugta midig I naafeeyay. Rag badan oo Mujaahidiin ahaa oo shahiiday ama dhaawacmayna waan sii xusuustaa. Dagaalku cawaysinkii ayuu dhammaaday. Gabbalkii  dum ay iyo habeenkii soo galay ayaa annaga iyo cadawgii na kala raray oo noo kala guray. Lixdii galabnimo markii ay saacaddu ahayd aniga oo dhaawac ah waxaan ku jiray meel dhexdooda ah. Markaa meydkoodii ilaa teknikadii ka gubatay waa ay guranayeen. Wixii ay jiidan karayeen iyo wixii ay qaadan karayeenba waa ay qaateen.”


(La soco……….)

 


Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

cankaabo@hotmail,com
 

 


Posted by:Cali Cumar Xasan