Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qormadii: 6aad

 

Waxa weli inoo socota warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa ka dhacay Kaam-Xabashi, waana tan warqaddii oo halkeedii ka sii socotaa:

4.30kii galabnimo waxa ciidankeenna soo weeraray Raacii 3aad ee cadawga, waxaana la dagaallamayay ilaa 9.00 saacadood ee fiidnimo, markaas oo la is-arki waayay oo la kala hulleelay. Khasaarihii cadawgu wuxu noqday:

108 askari oo geeriyooday iyo in badan oo dhaawacantay,
9 gaadhi oo gaashaanna oo la gubay,
2 gaadhi oo gaashaannaa oo lagala hadhay, ama furtayba,
1 jiib, 1 Shilke iyo 1 Toyota oo qori saarnaa oo la gubay,
Hub iyo rasaas badan oo kale oo laga furtay,
Khasaarihii Ciidankeenna gaadhay:

· Magacyada Mujaahidiintii shahiidday oo warbixintaa ku qorraa,

· 30 Mujaahid oo dhaawacmay oo badankkodu fududaayeen,

· Hubka la waayay:

BKM: 1, RBD: 4, RBJ/7: 1m AK: 18 isugeynna noqday 24 qori.

Haddii aynu warbixintii Ibraahin Kood-buur intaa kaga baxno, si aynu  xaqii qadii maalintaa u sugno suabaxnimadii Khamiiseed ee 18/10/1984kii  Muja ahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle waxa lala aasay oo iilka loo kala weeciyay Mujaahid Mubaarak Axmed oo ‘Hadhuudho’ lagu naanaysi jiray siday ii sheegeen Cabdi-Laangadhe iyo Cabdi-Shanaad oo dagaalkaa ku naafoobay.

Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan dhowr Mujaahid oo intooda badan dhaawac lagu qabtay oo Hargeysa la geeyay oo kala ahaa:

Ismaaciil Maxamed Guuleed (Iraad): Hargeysa lagu toogtay,
Aadan Cabdi Cumar (Buuri): Hargeysa lagu toogtay,
Xoor-xoor: Hargeysa lagu toogtay,
Saleebaan Madoobe: Isaga oo dhaawac ah ayuu gaadhigii siday ku dhintay oo ay ka tureen, dadkii ayaa dhexda ku aasay,
Baashe Faarax: oo laga sii daayay isaga oo fayow maa daamaa uu yaraa,
Mujaahid Af-yare la yidhaahdo oo dhimashada lagu tirinayay mar danbe ayaa isaga oo nool saldhiggii Durya laga helay, immikana madaxa ayuu ka jirran yahay oo Hargeysa ayuu joogaa.

Sow tii Aadan Tarabbi lahaa mar uu Faqashtii la hadlayay:
“Ama midho Berdoo,
Bisil baanu noqon,
Ama qodax bir-lab ah,
Oo booca kaa muddiyo,
Bixisaanu noqon,”

Waxa kale oo uu Aaadan Tarabbi maalintaa yidhi:
“Faqasheey ba’aa,
Iyo balanbalkaa,
Boqollaal Lixlaa,
Kugu soo baxsaday,”

Ma cid baa barooratay. Ma cid baa hengel qaadday. Sow tii Hadraawi Daalalleydii ku lahaa:
“Dugey yeedhi meysoo,
Hengel waa la daayee,
Ha mashxarado dumarkuye,
Del-delaadda boqol boqol,
Kala daran isugu xidha,”

In kasta oo Mujaahid kastaaba qiimihiisa iyo qaddarintiisaba lahaa, waxa  xu suus gaar ah igu lahaa Shahiid Ismaaciil Maxamed Guuleed oo loo yaqaannay Iraad, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Wuxu ahaa nin weyn oo qurbaawiya oo dibadaha uga soo noqday ciilkii iyo cadhadii uu u qabay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre, halgankuna ka dhab ahaa. Xilli aan ku noolaa Xaruntii SNM ee Awaare oo Dugsigii Tababarkuna ku yaallay ayuu aroortii na faylin jiray. Waxaan xusuustaa kaftankiisii iyo maaddiisii. Af-Ingiriisi iyo af Soomaali ayuu isku dari jiray aad loogu qosli jiray.

Mujaahid Cabdi-shanaad oo ka warramayay Mujaahid Xaammud oo ay iska ag dagaallamayeen ayaa is-na igu yidhi:


(La soco………….)

 




Qalinka:Boobe Yuusuf Ducaale

cankaabo@hotmail.com

 



Posted by:Cali Cumar Xasan