Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qormadii: 3aad
 

Go’aammadaa iyo qaar kale oo badan ayaa halkaa lagu gaadhay. Beryahaas oo uu SNM Guddoomiye u ahaa Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, Ciidammada  Xore ynta ee SNM waxa Xoghaye u ahaa Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle. Waa sida uu markii danbe Awaare ku tegayo ee uu ciidankii ugu horreeyay ee ka baxa Tali yaha ugu noqonayo.

Haddii aanan qaldanayn waxa kale oo xusid mudan in sannadkaa 1984kii ahaa sannadkii ay is-gaadhsiinta SNM ugu fiicnayd oo xarumaha iyo saldhigyada  int ooda badan meel walba radio rakaal ahi yaallay.

Bal hadda aan waxoogaa aan badnayn ku hakanno Shirweynihii 4aad ee SNM iyo xanaftii ka dhalatay ee saamaynteeda ku yeelatay SNM. Markii Shirweynihii dhammaaday maalmo ka hor badhtamihii bishii Ogos 1984kii, waxa dhacday in qawad iyo saluug ka yimid qayb ka mid ah SNM oo shir ku qabsatay meel la yidhaahdo Laan-qayrta Doonbiraley. Iyada oo ururka SNM ku soo caano maal ay isu-joojinta iyo wada-hadalka wefdi uu Guddoomiyuhu hoggaaminayay oo madaxdii ururku u dhan tahay ayaa halkaa tegay. Ka mid baan ahaa wefdigaas oo xog-ogaal ayaan u ahaa waxyaabihii halkaa ka dhacayay ama ka socdayba. Muddo aan is-leeyahay malahayga bil waa ay ku dhaweyd ayaanu halkaa ku sugnayn oo lagu wada hadlayay. Meel wanaagsan ayaa wax la isla meel  dhig ay, go’aammadii ugu mudnaa ee halkaa ka soo baxayna waxa ka mid ahaa  se es-u-dhigiddii iyo samayntii Golaha Guurtida oo markii ugu horreysay  Guddoo miyihii iyo Guddidiiba halkaa lagu magacaabay. 1985kii ayaa Shirkii 2aad ee Guurtida lagu qabtay Dooxada Daahir Maadhiin ee galbeedka kaga beegan  Ra baso. Hakad ayaa hawlihii Guurtida yar galay, waxaanu mar labaad golahaasi soo laba-kaclaynayaa bishii Ogos 1988kii markii Gudaha laga soo jabay, shirka as oo ku qabsoomay tuulada Caddaroosh. Waa mowduucyo aynu marar kale ku kulmi doonno.

Sheekadeennii hore ma ku noqonnaa intaa hadddii aynu mus-danbeed ka  dhig anno.

Waxaan moodayay in aad haa tidhaahdeen. Waa hagaag, Aniguna waan idin ku raacsanahay. Bal haddaba maxaa dhacay?

Aan ku noqdo Yuusuf Meydal Cumar oo ka codasdo in uu inooga jawaabo  su’a asha ah:

Sidee ayuu maalintaa dagaalku u dhacay?

Aan idiin kala baxo Yuusuf Meydal Cumar oo xusuustiisii idiin mariya, waxaanu yidhi:

“Annagu jiiddii hore ee difaaca ayaanu ku jirnay. Difaacayagu wuxu ahaa inta ama jiidda u dhexaysa meelaha la kala yidhaahdo Xabashi iyo Gufeys oo ku taal waddadii Qaaxo. Xilligaa waxaanu ku sugnayn waqti uu Ururka 1aad qayb ka mid ah ay is-yara qabteen madaxdii. Sidaa darteed Lixle iyo Ibraahin Kood-buurba waxa ay ku hawlanaayeen arrintaa maareynteeda. Habeennimadii waxa la diray 15 Mujaahid oo uu Xaammud watay, waxaana loo diray  dareen kaa cadawga laga qabay in ay soo xaqiijiyaan. Waxay ahayd in ay soo  hubiya an in cadawgii ku soo diyaar-garoobay oo ku sugan yahay Qol-buulalle. Lixle wuxu kula sii dardaarmay bal in ay soo hubiyaan in cadawgii ku soo  dhamm aaday Qol-buulalle iyo in uu weli isku soo urursanayo. Lixle markaa uu sahanka dirayay wuxu filayay in aan cadawgu ku soo wada dhammaan halkaa. Sidaa darteed ayuu miino ugu sii dhiibay si ay ugu soo aasaan meelaha gurmadkoodu soo marayo. Laakiin Xaamud iyo colkiisii sahanku waxay war sugan ku heleen in cadawgii soo weerari lahaa dhammaan ku soo sugmay oo joogo Qol-buulalle. Markaa miinadiina sidaas ayay kula soo noqdeen.”

Waa yahay. La soo hubi in cadawgii oo oodihiisii jiidanayaa goobtaa Qolbuulalle isugu  habar-wacday. Ka dib maxaa dhacay markii sahankii SNM dib ugu  noqd ay ciidammadii soo diray? Aynu ku noqonno Yuusuf Meydal Cumar, waxaanu intii hore ku ladhay:

”Waxay nagu soo noqdeen 11kii saacadood ee subaxnimo. Waa 17kii Oktoobar 1984kii. Maalintu Arbaca ayay ahayd. Ibraahin Kood-buur iyo Lixle Ururka  1a ad ayay ku maqnaayeen. Xogtii sahan in ay taliyayaashu qaataan la is-lama haleelin. Saacaddii weerarku nagu soo beegnaa markii ay ahayd ayuu Lixle soo gaadhay ciidankii. Gaadhigii ay la socdeen oo markaa meesha la yidhaahdo  Ce liya saad nooga soo qaaday iyaga oo Ururkii 1aad badhna soo qaaday badhna soo lugaynayaan, ayaa markii gaadhigii Lixle dhigay ee Ibraahin Kood-buur la noqday ay xabbaddii ugu hoprreysay ee ay soo rideen oo Jiib ahayd qabsatay gaadhigii Ibraahin Kood-buur la noqday siigadiisii. Sahankayagii oo is-na  xabb addii ku riday ayaa xigtay.”


 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com


(La soco………)

 


Posted by: Cali Cumar Xasan