Xuska
8-Guurada Geeridii Madaxweyne Cigaal Ma Dhaami Doonaa Kuwii Ka
Horeeyey ?
Waxa ina kulaalaysa xuska maalin kamid ah maalmaha dadka reer
Somaliland iyo guud ahaa nba shacabka geeska Afirca taariikhda
muhiimka ah ku leh, taasoo lagu xasuusto murugo fiinti istaagtay iyo
naxdin dadbadan ku reebtay raad aanay siyar ku ilaawayn.
Waxay ahady 03-may-2002, maalintii
shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan geeska Af rica-ba loo
soo sheegay war dhegohooda ku riday argagaxii ugu waynaa, haa, waa
in uu m agaalada Pretoria ee dalka S.Africa ku geeriyooday
halyay ay reer Somaliland si wayn ugu dhaadanayeen, waa aasaasihii
iyo aabihii Somaliland, marxuum Maxamed X.
Ibraahin Cigaal, sidoo kale waa mid kamid ah shakhsiyaadkii
dadka reer Africa ay ku faani jireen.
Ka sekow dalka somaliland oo uu Cigaal
ahaa siyaasigii dhidibada u taagay isla markaana ka suuro geliyay
hannaan dawladeed oo dhamaystiran kana badbaadiyey badweyn colaado
ah oo ku hareeraysnaa gudo iyo debedba, waxa uu ahaa Alle ha
unaxariistee nin taariikh wa yn ku leh guud ahaan
qaaradda Africa iyo dunidaba.
Xusuusta noloshii Maxamed
Ibraahin Cigaal ee xikmada iyo kartidu
ka buuxday iyo dib u ee gista maalmihii murugada iyo argagaxa
ee ka danbaysay hoyashadii mid kamid ah halyaydii faro ku tiriska
ahaa ee qaarada Africa, waxaan la sugi xuska sanad guurada 8-aad ee
ka soo wareegtay geerida marxuum madaxweyne
Cigaal, kana hordhic maayo maanta.
Bal se aan milicsano sanadihii hore iyo siyaabihii loo xusay sanad
guurada geerida marxuum Cigaal. Inta
badan wax wayn kumay kala duwanayn xusaskii hore ee loo qabtay sanad
guu rada geerida madaxweyne Cigaal,
waxana ay dhamaantood ahaayeen kuwo ka gaabiyey oo ka durugsan sidii
shacabku filayay.
Xisbiga UDUB ayaa ah kan ugu wayn ee laga fisho inuu xus ballaadhan
u sameeyo sanad gu urada madaxweyne
Cigaal, laba sababood daraadood. Waa ta koowaad ee xisbigani
waa xisbul xaakimkii wadanka waxana ku waajiba inuu tixgelin u
sameeyo cidkasta oo shacabka karaamo ku leh haday noolyihiin iyo
haday dhinteenba, ta labaad ayaa iyana ah tan ugu muhiimsan, waa
UDUB oo ah midhihii maskaxda Cigaal
maadaama u ahaa aasaasihii xisbiga.
Inkastoo xisbiga UDUB uu sameeyo xus geerida marxuum
Cigaal, hadana waxay ku koobant
ahay inta badan TV-ga qaranka oo faafiya muuqaalo xusuus ah oo hore
looga qaaday marx uum Cigaal iyo
barnaamij kooban oo ah milicsiga qayb yar oo kamid ah badwaynta
taariikh dii Cigaal. Madafiri karo inay
marar sameeyaan(Udub) xusas lagu qabto goobo aan dad bad ani
isugu iman. Laakiin suaashu waxay tahay intaasi ma tahay intii uu
xaqa ulahaa marxuum Cigaal?
Sidoo kale xisbiyada kale ee qaranka ayaan iyana xuska maalintan
qiimaha leh ka qaadan q ayb lagu amaano. Maadaama ay yihiin
asxaab qaran waxa laga filayay in ay si wayn u xus aan
geesiyada qaranka, si iyagana cidii u qalanta hadhaw loo xuso.
Xuska sanadkan ee sideeda guurada geeridii madaxweyne
Cigaal ma noqon doontaa mid k
uwii hore ee aan lamahadin dhaama? Akhriste waan hubaa in suaashaasi
maskaxdaada ka guuxayso, lagana yaabee inaad sanad walba suaashan oo
kale is waydiinayso, hase ahaa tee aad ku hungawdo.
Shaki kuma jiro in ugu yaraan bilkastaba ay xisbiyadeenu iskugu
yimaadaan xuska maalin aan wax macne ah ugu fadhiyin shacabkeen,
sida maalinta faraxalka aduunka, balse arrinta dad badani dhawrayaan
si wayna u sugayaan waa xuska sanad guurada sideedaad ee gee
rida halyaygii Somaliland Maxamed Ibraahin
Cigaal Qaasaali iyo doorka xisbiyada qaranku ka qaadan
doonaan.
C/risaaq C/laahi
Aadan13@gmail.com |
|