xuska
maalinta caafimaadka adduunka iyo sidii looga xusay Burco
Burco (TNN)- Munaasibad lagu maamusayay xuska maalinta caafimaadka
aduunka ay aa maanta kadhacday fagaaraha khayriyada magaalada
Burco .
munaasibadan oo ay soo qabanqaabiyeen wasaarada caafimaadka ,haayada
medair ururka sys ururka soyvo iyo dawlada hoose ee degmada Burco .
munaasibadan waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin aad utiro badan oo
ay kamid yihiin maayarka magaalada Burco mudane maxamud Axmed xasan
"dhagalaab" isuduwaha w/cafimadka gobolka mr aadan "malay" madaxa
haay'ada mediar ama health manager mr enoko iyo Agaasimaha
Cusbitalka dr iid maxamed jaamac .
waxaan ugu horayntii halkaasi kahadlay maayarka degmada Burco mudane
maxamud "dhagolaab"waxaanu ugu horayntii mahadnaq osoo jeediyay
dhamaanba dadwaynihii halkaasi ku sugnaa iyo marti sharafta kaloo
qayb gashay munaasibadan waxaanu dadwaynaha kubaraarujiyay amaba uu
usheegay inay dhawraan nadaafada, waaayo buu yidhi hadaynaan
nadaafada dhawrin mahelayno caafimaad sidoo kale waxaa uu yidhi "bulshoy
inoo dhawra nadaafada si aynu u noqono bulsho cafimaad qabta ,loo
gana badbaado dhamaanba cudurada halistaa sida cudurka shuban
biyoodkaa oo ka dilaacay nawaaxiga magaalada burco" waxaanu ugu
danbayntii hadalkiisa kuso xidhay "maanta waa xuskii caafimaadka
aduunka waana inagu waajib inaan dhawrno caafimaadka".
waxaa isna halkaasi ka hadlay madaxa caafimaadka ee haay'ada Medair
mudane Eno ko oo aad loogu soo dhweeyay sacab iyo farxad, mr
enoko waxaa uu ugu horayntii salaamay dhamaan dadwaynihii kasoo
qaybgalay dabaaldaga xuska maalinta caafima adka aduunka
waxaanu yidhi "sidaan wada ognahay maanta waa maalintii xuska
caa fimaadka aduunka hadana waxaan aad idiinku hanbalyaynayaa sida
wanagsan ee aad noogala soo qayb gasheen waxaanu halkaasi kusoo
bandhigay dhamaan wax qabad yadii ay qabteen waxaanu
yidhi ,"waxaanu bixinay 135 foostoo oo kuwa biyaha ah ,1000
caagadaha faraxalkaa,40 shirikaan oo kuwa biyahaa ,900 oo biyo
sifeeya,64 tuulo ayaan gaadhsiinay 3milyan oo litir oo biya
waxaanaanu talaal gaadh siinay 2350 caruura halka aanu daawaynay
1200 cudurka shubanka,waxaanu hadalkiisa ku daray su aalo uu
waydiiyay bulshadii goobtaa kusugnayd waxaanu yidhi "macabtaan biyo
nadiifa mase cuntaan cuno nadiifa" iyadoo ay dadwaynihii sixarago
leh uga jawaabeen wxaanu ujeediyay mahad naq waxaanu ku booriyay
inay dhawr taan nadaafadoda si ay u noqdaan kuwo cafimaad qaba
waxaanu ugu dan bayntii hadalkiisii ku soo xidhay waxaan rabnaa inay
burco noqoto meesha ugu cafimaadka badan dhamaan gobolada s/land .
dhamaanba masuuliyiintii munaasibadaa kasoo qayb galay ayaa
hadalkoodu isugu biyo shubtay nadaafada iyo caafimaadka ,iyadoo
halkaas lagu soo bandhigay riwaayad ay hogaaminayeen kooxda caankaa
ee weedhsan , taas oo turjumaysay caafimaadka lag una soo
bandhigay suugaan badan .
ugudanbayntii munaasibadani waxay kudhamaatay jawi ay farxad iyo
daganaani ka muuqato ,maaha maalintii ugu horaysay laga xuso
magaalada Burco maalinta caafima adka adduunka, iyadoo sanad
kastana laga xuso dhamaanba daafaha aduunka ,
Nafisa Ciise Yuusuf {kalgacal}
Timacade News Network TNN
Burco Somaliland
|