Xuska Munaasibada 18 May Oo Maanta Si Weyn Looga Dabaal Degay Magaalada Hargeysa
 

 


Magaalada Hargeysa oo ah Caasimada dalka Somaliland ayaa ka mid ahayd goobaha maanta... Daawo Sawiradda


Hargeysa (TNN) Xuska Sanad guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay ku dhawaaqistiii Qaranimada Somalilad ayaa maanta si weyn looga xusay Guud ahaan degmooyinka iyo Tuulooyinka ay Somalil and ka kooban tahay.

Magaalada Hargeysa oo ah Caasimada dalka Somaliland ayaa ka mid ahayd goobaha maanta ilaa shalay sida weyn looga dareemayey xuska 18 May, taasi oo xalay ilaa maanta dadweynuhu si weyn ugu diyaar garoobayeen dabaal degani, waxaana magaalada Wadooyinkeeda iyo suuqyada laga dareemayey sida ay dadku u xusayaan maalinta Qaranimada Somaliland, iyada oo aad meel walba ku arkaysay Calanka Somaliland oo ka babanaya, halka dadka qaarna ay ka sameysteen midabada Calanka Somaliland ka kooban yahay ee kala ah Cagaarka, Cadaanka iyo Casaanka dhar kala duwan iyo dadka qaar oo gawaadhidooda si weyn ugu sharxay.

Saaka xili hore ayey shacabka Somaliland u soo jarmaadeen jihada ay ka xigtay goobta la iskugu imanayey ee lagu munaasibadani oo ahayd xarunta beerta xoriyada, waxaana si weyn uga dhex muuqday madashaasi sharaad dheeraad ah oo lagu sameeyey, iyada oo aad loo habeeyey nidaamka iyo kala dambaynta lagu soo galayo madasha, taasi oo ay ciidamada amaankuna sugayeen amaanka, iyada oo ay u dheerayd sugida amaanka in ay ilaalinayeen nidaamka iyo kala dambaynta ay dadka faraha badan ee madashaasi soo galayaa ku joogayaan.

Shacabka Somaliland ee beerta ka soo xaadirayey ayey iyagana si weyn uga dhex muuqatay shucuur wadaninimo, iyada oo dadkaasi ay Calanka Somaliland ay ruxayeen halka dadka qaarna ay wejiyadooda ku soo xardheen.


Beerta xoriyada oo ahayd madasha lagu xusayey munaasibada Sanad guurada kow iyo labaatanaad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimadii Somaliland mar labaad dib ula soo noqotay, ka dib xoriyadii ka luntay sanadkii Lixdameeyadii ayaa waxa iyaduna si weyn uga dhex muuqday qaybaha kala duwan ee ay warbaahintu ka kooban tahay oo hawlaha kala duwan ee tabintooda halkaasi ka hayey, iyada oo ay Idaacada Radiyow Hargeysa iyo Telefishanada Horn Cable iyo Universal, xaflada si toos ah u baahinayeen.

Xuskan oo ay ka soo xaadireen dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Masuuliyiintii ka soo xaadirtay waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirada Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale, Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska C/laahi Maxamed Fadal, Ciidanka madaxtooyada Faysal Kaamil iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Ugu horeyn Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaan shacabka Somaliland ku hambalyeeyey munaasibada sanad guurada 21-aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland Xornimadeeda la soo noqotay.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiyo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ay Somaliland soo martay kow iyo labaatankaa sano, isaga oo dhamaan shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey sanad guurada Qaranimada Somaliland.

Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaan shacabka Somaliland ku hambalyeeyey sanad guurada 21-aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha Wakiilada Cali Yuusuf oo ku hadlayey afka Golayaasha Qaranka ayaa sheegay in ay dadka soo mareen marxalado kala duwan, isla markaana ay noqotay in ay Somaliland maanta soo gaadho heerkaa ay gaadhay.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo ugu dambayntii halkaasi ka hadlay ayaa dhamaan shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey sanad guurada 21-aad ee ka soo wareegtay maalintii xornimadeeda dib ula soo noqotay.
Madaxweynaha ayaa madashaasi ka soo jeediyey dhamaan khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

 



Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland