Xuska sanad guuradii 32aad ee Aas-asaaka Ururkii SNM lagu Qabtay Hargeysa

 


Hargaysa (TNN):-Sanad guuradii 32 aad ee ka soo wareegtau maalintii la aasaasay Urukii SNM oo ku beegnay 6da bisha 4 aad ee sanadkii 1981 ,ayaa laga xusay magaalada Harga ysa munaasibada xuskan oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta shabakada Halgannews oo lagu qabtay hotel maansoo ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ay ka midyihiin asaas ayaashii Urukii SNM oo ay ka mid yihiin Maxamed Xaashi Cilmi, Dr.dixood, C/salaam Yaasiin iyo Carwo iyo qaar ka mida Culimo aw-diinka dalka oo uu ka mid yahay Sh.Aadan X. Maxam uud (Aadan Siiro).

Gudoomiyaha Shabakada Halgannews Axmed Sharaf oo isagu lahaa qaban qaabada munaasibadan ayaa ka war bixiyey ujeedada loo aasaasay shabakadan iyo marxaladihii ay soo martay, Waxaanu sheegay in ay sharaf weyne u tahay in ay xusaan Aasaaskii SNM , waxaanu xusay in shabakadan la sameeyey sanadkii 2002 loona Asaasay si loogu ururiyo taariikhda halgankii SNM waxaanu xusay inay u guntadeen inay ururiyaan halgalkii taariikheed oo ku kala firiqsan daafaha dunida, “mudada aanu ku qoraynay shabakadda waxay socotay mudo 10 sano ah, maantana waxaanu u badali doonaa qaab document ah oo aanu u bixinay Rugta xusuus qorka Halgan”.

Agaasimaha shabakada Halkan waxa kale uu ka hadlay buug uu qoray Cabdilaahi yuus waqtigii uu ahaa madaxweynaha somaliya “Su, aalihii ugu badnaa waxa lana weydiiyey maalintii uu soo baxay buugii uu qoray Cabdi laahi yuusuf ee ahaa Halgan iyo hagardaamo oo uu ku duntay taariikhdii SNM’’, Abwaan Axmed Aw-Geedi oo ka midam Mujaahidiintii SNM ayaa isaguma musaasibadaasi ka jeediyey Gabay oo tiriyey waqtii SNM jirtay oo kaga hadalayo soo yaalkii taariikheed.

Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa asaasayaashii Ururkii SNM oo munaasibada xuska sanadguuradii 32aad hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa waxa uu yidhi, “Quudhsi fara badan baa maanta socda, hore waxaynu yeelnay inay caasimada ahaato Muqdisho madaxweynuhu ahaado somaliya iyo saraakiisha sare oo dhami ay ahaadaan somaliya, maantana waxaad arkaysaa madaxweynihii somaliya oo leh Cali samatar ayaan u waydiinayaa saamaxaad waa quudhsi sidiisa u yaalay mid na waa nasiib daro inay dawladeenu si dhibyar u socoto oo ay meesha la yidhaahdo shirbaa lagu qabayaaba ay tidhaa waanu tagaynaa madaxweynihii baaba sidaas lehe maxaa laga doonayaa, mana aha in dadka looga dhigo Xamar meel hore u socota,Xamarna hore uma socotee kismaayo ayaaba imika laysku haystaa”,

Mujaahid maxamed Xaashi Cilmi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay masuuliyiin xukuumda ee lagu eedeeyo xidhiidh la leeyihiin kuwa Somaliya iyo hubka loo fasaxay “Mar hadii hubkii loo fasaxay inaguna waa inaynu hub iib sano oo ardayda jaamacadaha wayday military la qoro oo hadii ay ta xunba noqoto aynu diyaar ahaano Waxaa edeb daro ah wasiirad xukuumad ee layidhi waxay lahad laan ku soomaalia markaa waa inay edeb sadaan” ayuu yidhi. Mujaahid maxamed Xaashi Cilmi

Mujaahid Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa Mujaahidiindii ka tirsanaa Ururkii SNM ayaa ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray iyo wixii Gacan qabashi heleen waqtigii ay SNM duurka k jirtay “Mucaawinooyikii aanu helay waxay ahayd laba mid waxay ahayd inyar oo carabaha ka yimid midna waxay ahayd waxii uga yimid reer guuraaga hunkana waxay ka heli jireen oo ay ka qaadan jireen reer guuraaga Ethiopia waxay waxay nasiisay shan boqol oo ciidana raashiinkood iyo wax aad u yar oo tikniko ah”

Dr.Dixood oo kamid ahaa Aasaasa yaashii Ururkii SNM ayaa ku dheeraaday marxaladihii ay u soo mareen asaaska Ururkan isagoo xusay inay mudaarado balaadhan ka dhigeen magaalooyinka waaweyn ee Dalka UK,waxa kale oo uu ka hadlay shirarka ay xukuumdu la yeelanayso somaliya oo uu sheegay inay tahay inaan loo dabcin oo aanay Somaliland marna meel la fadhiisan Karin maamul Goboleedada Somaliya, waxa kale oo uu sheegay inay mudan tahay inay xukuumada markay shir ka qayb galayso ay shacbigeeda usoo bandhigto Qodobada ay shirka ka gaga qayb galayaan.

Sh. Aadan maxamuud (Aadan siiro) ayaa sheegay inayna Gooni isu taaga Somaliland cidna waxba ka badali Karin oo ay ku taagan tahay Go’aan shacbi, waxa kale oo xusay inay mudan tahay inaan Somaliland qadiyadeeda loo soo xidhan shaadh diimeed. Cabdisalaan yaasiin oo ka mida Aasaasayaashi SNM ayaa oo munaasibadan hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay inay qiimo wayn leedahay in wax la is xasuusiyo taariikh duna tahay lagama maarmaan, oo ay qiimo wayn u leedahay inay ku duugnaato Umada dhexdeeda, waxaanu u soo jeediyey dhalin yarada dambe in la garabtaagnaado oo la xasuusiyo sidii ay u qori lahaayeen taariikhaha ay umadani leedahay.
 

 

Source:Waaheen