Yaa Bixiyey Amarkii Lagu Laayay Dadkii Sida Nab adgelyada Ah Isugu Soo Baxay Sabtidii?

 

 

Inaga oo ku jirna maalmihii ugu dambeeyay uguna fadliga badnaa bisha  bar akaysan ee Ramadan ayaa nasiib daro xukuumadda Madaxweyne Daahir  Riy aale waxa ay mar kale bilaa sabab ku daadisay dhiiga muwaadiniin xalaal ah.
Faalo:
Maxamed Cismaan Dubbe

Iyada oo Ilaahay SWT uu guud ahaanba sharfay Bani’aadamka ayaa hadana diinteena Islaamku waxyaabaha ugu qaalisan ee ay qofka u ilaalisay waxa ka kow ah dhiiga ama nafta, ilaa xad ay diintu sheegtay in aan dadka aan  Mus limka ahayn xitaa aan lagu dili karin sabab la’aan.

Si kastaba ha ahaatee inaga oo ku jirna maalmihii ugu dambeeyay uguna  fad liga badnaa bisha barakaysan ee Ramadan ayaa nasiib daro xukuumadda  Ma daxweyne Daahir Riyaale waxa ay mar kale bilaa sabab ku daadisay dhiiga muwaadiniin xalaal ah oo dareenkooda ku muujinayay mudaharaad Salmi ah.

Sabtidii toddobaadkan ayaa qaar ka mid ah ciidanka bileyska Somaliland waxa ay si badheedh ah xabad ula dhaceen shacbiweyne isugu soo baxay duleedka golaha Wakiilada, iyadoo ay halkaa ku naf waayeen ugu yaraan 2 qof halka ay ku dhaawacmeen 14 muwaadin.

Haddii aynu usoo noqono dhacdadii ugu dambeysay ee toddobaadkan  bile ysku ku laayeen muwaadiniinta ayaa su’aasha ugu muhiimsan ee ay ilaa imika dadweynuhu isweydiinayaan waxay tahay, ciddii ka dambeysay amarka lagu rasaaseeyay shacbiga, iyada oo bileysku haysteen qalabkii iyo suntii loogu talo galay ka hortaga rabshadaha.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, waxa si toos ah u bixiyay  am arka lagu laayay dadweynaha, wasiirka Hawlaha Guud ,Siciid Sulub Maxamed. Iyada oo weliba ilaalada wasiir Siciid Sulub iyo askarta Madaxtooyadu la  she egay inay ahaayeen kuwa sida tooska ah u tooganayay  mudaharaadayaas ha, halka bileyska kalena ay kor u ridayeen rasaasta, qaar kale oo bileyska ka mid ahina waxay la kadeednaayeen sida loo isticmaalo qalabka lagaga hortago rabashadaha, taas oo qaarkood ay isku dhaawaceen qalabkii ay iyagu wateen. Guud ahaan ciidankii maalintaa ka qayb qaatay ka hortaga mudaharaadka ayaa waxa ay intooda badani kasoo jeedeen gobolada Awdal, Sool iyo Galbeedka Burco, kuwaas oo wakhtigan uu Madaxweyne Riyaale u adeegsado ku garaacida xisbiyada mucaaridka ah iyo taageerayaashooda.

Wasiirka Hawlaha Guud, Siciid Sulub ayaa dadka falanqeeya siyaasada  Som aliland waxa ay ugu yeedhaan “Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Madaxweyne Daahir Riyaale”, waxana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay wasiirada ugu dhow dhow Daahir Riyaale ee siiya talada ugu dambeysa go’aan kasta oo la gaadhayo. Taas oo guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe uu ku eedeeyay qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Riyaale inay masuul ka  yihi in rabshadihii dhacay, maadaama, buu yidhi, uu Madaxweynuhu ka noqday go’aankii lagu furayay Golaha wakiilada, sababtoo ah go’aan khaldan oo  saac idihii ugu dambeeyay ay siiyeen wasiiradaasi.

Inkastoo aanu guddoomiye Faysal sheegin magacyada wasiiradaasi hadana waxa la iska wada ogyahay inuu kow ka yahay wasiir Siciid Sulub iyo Wasiirka Maaliyada, Cawil Cali Ducaale oo lagu naaneyso “dhabta libaaxa” ahna ninka haya furaha khasnadaha laga soo saaro lacagta la siiyo askarta ka qayb  qaa data ka hortaga mudaharaadyada ee hadana marka dambe dadka ku shiish barta.

Si kastaba ha ahaatee wasiir Siciid Sulub ayaa lagu xusuustaa dhacdadii afar sano ka hor ay ilaaladiisu ku laayeen dadweyne dhul ku muransanaa xaafada Shacabka Hargeysa, iyo weliba dhacdadii kale ee uu ku tilmaamay beel ka mid ah beelaha Hargeysa “Nuux Ismaaciil” oo kusoo biiraysay xisbiga Kulmiye, oo uu ku sheegay inay mudaharaad samaynayeen kaddib markii ay xafladoodii ku qabsadeen barxada Hotel Crown ee magaalada Hargeysa, markii ay  xukuu maddu u diiday in laga kireeyo Hudheelada.

Guntii iyo gabagabadii, Madaxweyne Riyaale ayaa shacbiga reer Somaliland waxay ka tirsanayeen dhibaatooyin fara badan laga soo bilaabo sanadkii  1988-kii oo uu magaalada Berbera ka ahaa madaxii NSS-ta “oo qayb libaax ka qaadatay xasuuqii lagula kacay shacbiga Somaliland”, xiligaas oo dadweyne aan waxba galabsan lagu xasuuqay magaalada Berbera, la sheegay inuu ka mid ahaa madaxdii bixisay amarka dadkaasi lagu laayay, sida ay Raaqiya  Om ar ku qortay buugeeda lagu magacaabo “dawlad dadkeedii dagaal kula jirta” oo ay qortay xiligii ay u shaqaynaysay hay’ada African Watch.

Inkasta oo ay buuga ay qortay Raaqiya Omar uu si toos ah ula xidhiidhiyay Daahir Riyaale xasuuqaasi , ayaa hadana waxa jira in odayaal kasoo jeeda gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera, ay beeniyeen warkaasi, iya goo ku tilmaamay Daahir Riyaale inuu wakhtigaasi ahaa nin badbaadiyay dad badan oo ay xukuumaddii Siyaad Bare doonaysay inay layso, iyagoo dhanka kalena odayaashaasi sheegay inuu Daahir Riyaale ahaa nin si wanaagsan dadka reer Berber ala dhaqmi jiray.

Si kastaba ha ahaatee marka la eego sida dimuqraadiyada ka fog ee ay  xuk uumadda Madaxweyne Riyaale ula dhaqanto, xisbiyada mucaaridka, saxaa fada madaxa banaan, arrimaha doorashooyinka iyo mudaharaadayaasha ayaa waxa calaamatul su’aal ay saaraysaa xaqiiqada dimuqraadiyada uu  ma rkasta ku faano Madaxweyne Riyaale.
 

 

Qalinkii: Maxamed Cismaan Dubbe
Hargeisa/Somaliland