YAA KA SHAKISAN QANANNIMADA IYO JIRITAANKA SOOMALILAND..!
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Waxa Soomaliland jirtay 22 sano
oo nabad ah iyo 10 sano oo halgan ah iyo 76 Sano oo isticmaar ah.
Waxa midnimo niyad sano oo lagu doonaayo mideynta shanta
Soomaaliyeed ay ku jirtay 21 Sano ( !960-1981). Taasi waxay marag u
tahay in muddada ay Soomaaliya wax wadaageen ahayd muddo aad u yar
kolka aad u eegto inta ay goonida u jirtay. Muddadaas dheer ee ay
goonida ka ahayd Soomaliya, waxa unkumay beelaha Soomaliland oo is-dhexgalay
oo abuuray degaano beelahu isku dhafan yihiin, waxayna yeesheen
dabci, dhaqan, iyo hiddo ay wadaagaan ooy Soomalida inta kale kaga
duwan yihiin. Waxa abuurmay hab iyo dhawaaq hadalka iyo ereyo u
gooni ah, hab-guurka iyo dhismaha qoyska oo mideysan, iyo nidaamka
maamulka oo ah mid ku salaysan habka dawladda UK. Intaasi waxay u
yeeshay astaan iyo aragti u gooni ah oo reer Soomaliland mideysa.
Waxaana ka markhaati ah hadalka laf-jabka ah ee mataaneentii
Soomaliya lagala kulmay iyadoo dadka reer Soomaliland min Ceelaayo
iyo Lowyacaddu reer Soomaliya ay ugu yeedhaan “Soomali
Qaldaan”..yacnii dadka iyaga ka duwan uun dhe.
Soomaliland oo beelaha dega dhammaantood ay si xor ah ugu shireen
magaalada Burco, islana qaateen inay midnimadii ay Soomaliya sida
xorta ah ula galeen oo dhib, hadardaamo ay weheliso cadaalad darro
iyo horumar laáan ay ka baxeen ayna yihiin dal madaxbanaan oo qaran
gooni u taagan ah, ikhtiyaarkoodna ay ku gaadheen dhismaha qaran
dimuquraadi ah oo dunida ka tirsan. Waxa dhidibka loo aasay
Jamhuuriyadda Soomaliland 18 May 1991 iyo kheyriyadda Burco.Waxa
xigay dastuur loo codeeyey haa 97%, doorashooyinka degaanka, kan
wakiilada iyo ka madaxtooyada. Waxa soo maray laba Madaxweyne oo
beelahu doorteen si dadban iyo laba si dimuquraadi ah codka
muwaadiniintu ku doorteen.
Waxa ayaamahan la hadal hayaa shirka dawladda UK ay u qabanayso
Soomaalida. Waxa xog-waran ka dawladda UK ay baahisay ka mid ah
dadka lagu casuumay Dawlad KMG,
Ahlu sunna,
Puntland, Gal Mudug iyo
Soomaliland. Haddaba iyadoo xukuumadda
Soomaliland cadaysay inay ka-qaybgalka ay kala tashan doonto
axsaabta qaranka, wakiilada iyo waxgaradka Soomaliland, ayaa halkii
rayi dhiib asho iyo taageero loo fidin lahaa xukuumadda xiligan loo
baahan yahay midnimada iyo wadajirka ay aa waxa muuqata in dad danta
gaarka ah ka hormariya tan guud oo indhehoodu arkaan waxa ay do
onaan dhegahooduna maqlaan waxa ay doonaan, ayaa ula kala baxay
fidinta dacaayado aan meesh a oolin oo kas gaabka iyo maatada lagu
beeraayo shaki iyo cabsi aan meesheed oolin.
Waa ayo cidda qarannimada dalka hooyo burburinaysaa, ma cidda soo
halgantay ee labataneeyo sano u samirtay ee manta hoggaanka ku
guulaysatay, ee sharaf, magac iyo maamuus maqaamkii ugu sareeyey ku
gaadhay ayaa laga dardaar warinayaa..Waa fikir lunsan oo u baahan in
qashinka lagu rido. Inta been abuurka lagu jiro miyeyna ka fiicnayn
inaynu eegno oon ku taageerno la-tashiga xukuumaddu ku dhawaaqday.
Weli ma jirto go’aan shirka laga gaadhay. Waxaana habboon inaynu
isla eegno sifaha iyo shuruudaha aynu ku tegi karno, amba ku diidi
karno..labaduba wey inoo furan yihiin. Haddaan diidno, iyo haddaan
tegno midna ma keeni kato burburka Soomaliland oo waa dal hano
qaaday oo dadkiisu yihiin ilaalayaaha jiritaankeeda, ayna diyaar u
yihiin badbaadintiisaa cid kasta oo gar darro ula timaada. Taas
ninka ka cabsi qaba iyo kan ka shakisani waa nin cidla ka didey,
ayna ka tahay fulaynimo amba nin isagu muraad kale leh.
Waxa manta aan helay su’aal lagu weydiiyey guriga guurtida ee UK (
House of Lords) mudane ah Wasiiro Dawlaha arrimaha Debedda ee UK
Lord Howell oo ka jawaabaaya su’aal ay weydiisay Lord Luce..waa kan
iyagoo aan sideeda idiinku soo naqiley oo af Ingiriis ah deedna aan
turjumaada idiinku xigsiiyey:
Lord Luce (Crossbench)
To ask Her Majesty's Government, further to the Written Answer
byLord Howell of Guildford on 21 December 2011 (WA 391-2), who has
been invited to the London conference on Somalia on 23 February; and
whether they have invited the president of Somaliland.
Lord Howell of Guildford (Minister of State, Foreign and
Commonwealth Office; Conservative)
As we noted previously, we have invited Governments and multilateral
organisations that are active and influential on Somalia, as well as
representatives from Somalia.
We are pleased to say that we have secured very senior attendance
from representatives from the region (for example Ethiopia, Kenya,
Uganda) and the international community (for example Turkey, Qatar,
Nigeria, Sweden, and the European Union) alongside a host of Somali
representatives; as well as theAfrican Union and United Nations
Secretary-General.
We have invited Somaliland to attend
the London conference on Somalia. We are following up the invitation
with discussions with the Somaliland authorities, working
to find a basis for their attenda nce that is
acceptable to them and to us. We very
much hope that President Silanyo
will attend: Somaliland
has much useful experience to share of
creating relative stability in the region.
Lord Luce waxay weydiisay Wasiirka cidda lagu casuumay shirka iyo in
Madaxweynaha Soomaliland lagu casuumay…
Waxuu ku jawaabay Lord Howell: “Sidaan hore u sheegnay waxaanu
casuumnay xukuumadaha iyo ururada caalamiga ah ee ay khusayso
arrimaha Soomalidu iyo wakiilo ka socda Somaliya. Waxaanu ku
faraxnay inaanu helno inay ka soo qayb galayaan dad muhiim ah ee
mandaqadda( Matalan Ethiopia, Kenya, Uganda) iyo mujtamaca
adduunweynaha (sida Turkey, Qatar, Nigeria, Sweden, and the European
Union) iyo cid ka socota. oo matasha Soomaalida iyo African Union
and United Nations Secretary-General
Waanu casuumnay Somalialnd inay shirka timaado Shirweynaha London ee
Somaliya. Waanu dabasoconaa oo waxaa noo socda wadohadal sidii loo
heli lahaa hab iyo wax keeni kara inay ka soo qayb galaan oo u
cuntama iyaga iyo anaga. Waxaan rajeynayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo
yimaado: Soomaliland waxay leedahay khibrad faaíido badan oo ay u
soo tebin karto lana qaybsan karto deganaansha gobalka.”
Haddaba waxa manta loo baahan yahay ma aha in qof waliba sida uu
doono uu u arko oo siyaasad madhalays ah iyo aragti gaaban wax lagu
eego. Waa in la darsaa oo la helaa wadatashi loo dhan yahay oo
qaraar cad laga gaadho deedna bulshada si wada jir ah loo wacyi
galiyaa, lagana daayaa shaki abuurka iyo fidnada laga abuuraayo meel
ayna ku juirin.
Waxaad ogaataan marxaladda dalku marayo dhinaca gobalada bari iyo
ololaha kala qaybinta ee ay wadaan dawlad xafadeedka Xamar. Waxa
inala gudboon inaynu is barbar taagno xukuumadda aynu sida
dimuquraadiga ah ku dooranay, taas mecnaheedu ma aha indho-la’aan in
lagu raaco. Waa in nidaamka la ilaashaa oo la-xisaabtanka
dhaleeceyntu ahaadeen qaar xadkooda haysta iyo inaan loo faaídeyn
cadowga.
Wakiiladu ha gutaan waajibkooda oo ha ka baxaan xilkas la’anta ka
muuqata iyagoo laba maalmood fadhigu u buuxsami waayey.
Warbaahintuna ha noqdaan kuwa muujiya dareenka dhabta ah ee
dadweynha ee aan noqon qaar si dadban ugu adeega cadowga.
Tvga qaranka waxa saran xil weyn oo ah inuu kor u qaado midnimada
iyo wadajirka ummadda, iyo inuu yeesho birtilmaameed wacyigelin iyo
faaqidaad amuuraha khuseeya qaranka iyagoo makarafoonka si xor ah
looga soo qaybgeliyo xusbiyada mucaaridka ah, aqoonyahannada iyo
qurbajooga dalka. Waa kaalin gaabis ah ee marxaladdan ha laga
faa’ideysto.
Qadyadda qarannimdu ma laha mucaarid iyo muxaafid waa mid muwaadin
kasta waajib ay ku tahay difaaceeda iyo ilaalinteeda. Qaranka cidina
marti kuma aha, cidna marti loogama aha. Soomaliland waxa leh reer
Soomaliland oo dhan oo si siman u leh xuquuq iyo waajibaad saran.Min
Ceelaayo ilaa Lowyacaddu min Buuhoodle ilaa Berbrera waa dal iyo dad
mideysan, una baahan inay helaan qorshe iyo siyaasad lagu hawl galo
oo khilaafkooda si nabad ah u suuliya. Waa waajib ina wada saran si
gaar ahna u saran mas’uuliinta siyaasadeed mid hoggaanka haya iyo
mid sugaayaba.
Waxa iyana habboon in inta xukuumadda ka tirsan ee xilka haysaa
ahadaan duul ilaaliya midnimadooda oo doodaha ay ka yeeshaan
hawl-qabadka xukuumadda ayna noqon mid ay ku muujiyaan warbaahinta,
Ma jirto xukuumad aan dhexdeeda afkarta ku kala qaybsanayni, waxa se
sharcigu yahay in afkaarta lagu qaybsamo ee lagu doodo ay gun
yeelato, taas oo ah go’aanka leysla gaadho in dhammaan la wado
daafaco, oo ninkii fikirkiisa Golaha lagaga xoog bataa ilaaliyo
ga’aanka Golaha oo ay waajib ku tahay inuu daafaco. Waa sida keliya
ee xukuumad dimuquraadi ahi ku shaqayn karto.Waa in wadajir
xukuumaddu u daafacdaa go’aamada ka soo baxa. Waa in sirta Golaha la
ilaaliyaa oon suuqyada la gelin.Cidda nidaamkan aasaasiga ah aan
dhowreyni waa in wax laga qabtaa oo la joojiya nabarka boogtiisu
fideyso.
Aqoonyahanka waxa habboon inay fikir wax ool ah u gudbiyaan
xukuumadda ooy noqdaan dar ku soo biiriya afkaar horumar siyaasadeed,
bulsho, dhaqaale iyo ganacsigba dhali kara. Waxaan halkan idinku
balan qaadayaa inaan gacanta ka geliyo Madaxweynaha waxii talo ah ee
waxtar u leh dalkeena, iyo waxii tabasho iyo dhaliil ah ee si asluub
ah oo dhammays ah loo soo bandhigo. Mid run iyo marag leh
. Dalkeena waxa yaal dhibaatooyin badan ooy barbar socoto
faa’idooyin iyo kheyraad aan la taaban, fursado dhaqaale iyo baahi
is huwan. Waxa aynu kaga bixi karnaa inagoo waqtiga ku qaadana
inaynu ku fakirno danta guud iyo horumarinta dalka, inaynu ilaalino
dakhliga yar ee inoo soo hoyda, si gaar ah waa waajib saran
xukuumadda iyo shaqaalaheedu inay noqdaan qaar ilaaliya khrashka, oo
kol walba ka fakira baahida dalka taal iyo itaal yarida cidda
lacagta laga soo xareeyey.
Maanta waa maalintii Midnimda, waa maalintii Wadajirka, waa ayaantii
Gacmaha leys-qabsan jiray, waa dharaartii cududa Mucaaridka iyo
Muxaafidku mataanoobi jireen, waa ayaantii waxgarad, waayeel, dhalin
iyo dumar danta guud la dhowri jiray. Waa dharaar qarannimada la
qadarinaayo ee muwaadin gudo waajibkaaga.
Tan iyo maqaal kale, ammaano Alla.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmial .com
|