Yaa la sadaalinaya inuu noqdo Guddoomiyaha cusub
ee xisbiga UDUB

 

 


Imisa xubnood baa hadal hayntu tahay inay ku beretamayaan jagadaa kursigaa banaanaanaysa ma rka uu guddoomiyaha hadda madaxweynihii hore MD Daahir Riyaale Kaahin uu jagadaa wareejiyo wa qtiga dhow ee soo socda.

suura gal se ma tahay in la helo xubin soo celisa haybaddii iyo maqaamkii uu xisbigu laha markuu no ola Alla haw naxaristee Maxamed X. Ibrahim Cigaal waa madaxweynihii Somaliland aabaha u ahaaye. Xisbiga UDUB isagoo ahaa aabaha axsaabta Somaliland uguna horeeyey xisbi lagu dhawaaqo

Iyadoo taasi jirto ayaa manta la ogyahay inaan gole dhexe oo xisbigu leeyahay aanu jirin.

Hadaba hadaynu intaa ka gudubno waa kuwama raga la sugaya.



1- MD. Axmed Yusuf Yassiin: Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland

2- MD. Cali Waran Cade: Wasiirkii gadiidka circa iyo hawada

3- MD. Siciid Sulub: Wasiirkii hore ee hawlaha guud

4- MD. C/laahi Maxamed Ducaale: Wasiirkii hore ee arimaha dibada

5- MD. Axmed Xussein Ciise: Akaadimi horena u ahaa xoghayaha arimaha dibada ee Kulmiye



Inagoo diraasad qoto dheer ku samaynayna mid kasta oo barbar u tuurayna nin jeclaysi iyo caadifa dan inkaarta qabta ee laynoogu daw galay qabyaalada.



1- Axmed Yusuf Yasiin.

Waxaynu odhan karma waa muwaadin jecel dalkiisa iyo dadkiisa, ehel diina ah, kana doorbida saaxiib nimada qabyaalada, dad dhex galiisu ma badna sababtoo ah ,waa nin muxaafid ah waqti la odhan ka ro ilaa 10 sano buu siyaasada Somaliland ku soo jirey ,waxaa lagu sheega siyaasi qunyar socod ah w uxuu ka mid ahaa ragii fara ku tiriska ahaa , ee is dhaaf dhaafinta iyo musuqmaasuqa aan lagu xam an jirin.

Bisayl siyaasadeed kama muuqato waa nin dhaqan ahaan suufi ah deg degna laga yar dareemo isku soo wada xooriyoo weli nin dal hogaamin kara uma eeka.



2- Cali Warancade.

Inkastaanu ahayn halgamayaashii dalka
wax ka xoreeyey oo marmarka qaar la odhan karo Nabad Su gidii dadka dhibi jirtey buu ahaa hadana wixii ka dambeeyey 18 May 1991 waxaa la odhan kara waa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa jecel dhexgal bulsho leh khibrad security leh wax qabad leh bisayl siy aasadeedna ka muuqato inkastoo xantiisu tahay wuxuu ka mid ahaa ragii dawladii MD Daahir Riyaale madaxweynaha ka ahaa ee dadku ku dhaliili jireen musuqmaasuqa iyo wax is dhaafin balaadhan had ana waa shaqsi arimaha uu qabanayo aan ku deg degin si fiicana u maareeya runtii waa siyaasi hoga amin kara qaranka Somaliland.



3- Siciid Sulub Maxamed.

Waxaa la odhan kara waa nin aan dadku aanay aqoonin intii ka horeysey dawladii hore ee MD Daahir Riyaale ,wuxuu ka yimi qurbaha gaar ahaan carabaha S. Arabia buu xoogsato ka ahaa, dib ula soo n oqoshadii Somaliland dadkii soo guryo noqday buu ahaa ,xubin wasiir firfircoon oo ay madaxweynaha aad isugu dhowyihiin buu ahaa ,ajandhe siyaasadeed ma laha waaya aragnimo xirfada siyaasadeed na ma leh , qalaadaad badan oo dawlada loo tirinayey sida iibkii hantida guud mashaariic wadooyin o o la is dhaafiyey wuxuu aad ugu suntana raggii xanta musuqmaasuqa dul hadhsanaysey, waxa la sh eega inuu dhaqanka qabyaalada Somalida xariif ku yahay,  ugu dambeyna kama muuqato qaabkii hog aamin xisbi ama qaran.



4- C/laahi Maxammed Ducaale. Cabdilaahi Yare

Waa nin side u eeg xubnaha aynu hore u soo sheegnay waa nin la odhan karo wuu ka khibrad badan yahay waanu ka tacliin roon yahay sidii Axmed Yusuf Yasiin waa raggii fara ku tiriska ahaa een lagu xaman jirin isdhaafdhaafinta iyo musuqmaasuqa ,waa dhalinyaradii dibada kaga soo biirtay halgankii SNM , xubin fir fircoona ka ahaa dalka markii lagu soo laabtayna la soo wada shaqeeyey madaxweyn ayaa shii oo dhan intii uu shaqada hayey waa nin kasbaday dawladaha jaarka ah saaxibnimadooda sida Ethiopia Djabouti iyo Kenya ilaa dalal African badan ah taasina ay ku tusayso waaya aragnimo iyo xinkad siyaasadeed nin leh inuu yahay laakin ay ka dhiman tahay sida muuqata arimo dhowr ah oo gudaha looga baahan yahay .



5- Axmed Xuseen Ciise.

Waa nin dhaqanka reer galbeedka leh , oo arimahan somalida dhaqanka u noqday ka gudbey in bad an wuxuu ka mid ahaa xisbiga KULMIYE , oo weliba rukumada adag ahaa hase yeeshe fadhigii golaha dhexe ee 2009 ka qabsoomay Hargaisa ayaa galaaftay,  ka dib markii xubno isbedel doon ah oo tiro badan ka soo goosteen X. Udub,  iyagoo ajandhe watay ah in ay MD Axmed Xuseen Ciise ay ku bedel aan MD Axmed Silaanyo , taasina ay shaki iyo sas ku abuurtay golihii fulinta ee Kulmiye dabeetona ta asi ay keento kala shaki iyo kalsooni darro aakhirkiina uu ka baxo xisbiga.

Any way md Dr. Axmed Xuseen, waa nin la odhan karo waayo arag siyaasadeed, dhaqaale iyo xirfad shaqo intaba wuu leeyahay ,xidhiidh dhowna wuxuu la leeyahay dowladaha reer galbeedka madaam a uu waqti badan deganaan jirey , dadka yaqaan waxay ku tilmaamaan dabeecadihii fiicna ee shaqo wanaaga ahaa ee Cumar Carte Qalib lahaan jirey 70dii, waa nin leh , gebo gebadiina waa nin hanan kara hogaaminimo Xisbi iyo qaran.



Waa mahad santihiin.

La soco qaybta 2d
 

 

 

 

 

Cabdalle Sahal
Abdalla.FAREH@sanofi-aventis.com