Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho!

 

 

 

Qormadii tobnaad


Halhays Soomaaliyeed baa wuxu yidhaahdaa, " Sidi sididaada mooyiye dhul-u-dhacaaga hub so."


Maahmaah Ingiriisiya ayaa iyaduna waxay tidhaahdaa, " Don't count your eggs before they hatch!" oo macnaheeda oo koobani yahay; beedkaaga (ukuntaada) ha tirin illaa inta uu ka dillaacayo!

Waayo, haddii aad sii tirsatid isaga oo aan beedku dillaacin oo ay qaar xumaadaan; mar do wn xisaab kale ayaa kuu soo bixi doonta!!

Waxaynu tusaalahaasi uga danleenahay, waxa laga yaabaa; in ay xisbiyadeenna qaarkood u bogeen tirada taageerayaasha ah ee fagaarayaasha u iman jirtey oo ay kursiga ku sii fad hiisteen - iyada oo aan natiijo soo bixin. Taasi oo laga yaabo, in ay mar dhoow liqi kari waay aan inta u soo baxda ee dhabta ah!


Haddaba, waxad murashax/taageere ogaataa, inta codaynaysaa in aanay ahayn intii timid fagaarayaasha ee ay tahay; inta kaadhka haysata ee maalintaasi codaysa.


Sidaa awgeed, sarajoogga ha ku sii ataxiyaadsanin ee naftaada u sii sheeg; in ay aqbasho go'aanka rasmiga ah ee ka soo baxa doorashada.


Raganimadu ma aha: in aad cadhootid, caytantid ama aad dagaalantidba. Raganimadu wax ay ku jirtaa, qarqarsiga naftaada iyo qabashadeeda marka ay arrinto qadhaadhto!!


Guntii iyo gabogabadii, qaranku ka qaro weyn qof iyo qabiilba.


Ha noqonin," boqol soonkii bakhtiga ku afuray!" Macnaha aynnu u-la-jeednaa waxa weeye, ayay khaatumadu kaa xumaanin ee qaranka u tudh!!


Wa bilaahi at-towfiiq
 

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com
 

 

 


 

Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho!

 

 


Waa qormadii sagaalaad


Waxa la yidhi, " Cimri dhammaaday ceeb laguma sagootiyo!'


Haddaba waa ceeb ifka ah, in rag waaweyn oo weliba aqoonyahanno sheeganayaa; ay afl aado iyo wax ummadda kala geenaya oo qabyaalad ku salaysan ay baraha bulshada iyo wa rbaahinta kalaba la soo dhex fadhiistaan!


Haddii aad magac weyniyo

Martabo sheegan lahayd

Maalin baad silbataa

ood muunaddaada dishaa

Maryahaa fasaqee

ha u maydhmin sidooda
!!

 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 


 

Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho!

 



Waa qormadii siddeedaad


Ilaahay ha u naxariistee, waxa laga hayaa Cabdullaah Suldaan (Timacadde):


" Rag sagaashanka dhaafayoo

Gadhka saynta gammaankiyo

Kabad soohan la moodaa

Sambab loo lululaayoo

Baruur saafiya moodayoo

Oo la sanjeedanayaa!!"


Haddaba, adiga oo nin weyn ah; ayaan sambab laguu lululin ee sharaftaada ilaasho.

 

 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com
 

 

 

 


 

Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho!

 




Waa qormadii toddobaad


Halhays Soomaaliyeed baa wuxu yidhaahdaa, " Nin weyn oo hadal ka dhacay, waa geed qolofi ka dhacday."


Waxa kale oo la yidhaahdaa, saddex waa loo meel dayaa; " codkaaga, cagtaada iyo candhuuftaada."


Haddaba, xilligan xasaasadda iyo xamaasadda xambaarsan; iska ilaali inaad xumaan iyo xas arad abuurtid oo xurmadaadii sida xoorka u gudho!!

 

 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 



Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho!

 



Waa qormadii shanaad


Halhays Soomaaliyeed baa wuxu yidhaahdaa, " Doqoni meel lagu ficiltamay, ayay mooddaa in lagu kala dhintay!"


Haddaba, loolanka siyaasadeed ee maalmaha soconayaa, ayuu maydhin magacaaga iyo mu unaddaaba.


Ayaan qiiro Jabbaan iyo qabyaaladdu, qarankaaga waxyeelin!

 

 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com
 

 

 


Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho!

 

 

Qormadii Afraad

Waxa la yidhi, " Dhidar xabaalo qoday, qudhun buu uga dhacaa."

Haddaba waxa habboon, in aad ka fogaatid soo faqidda nabarada bulshada ee bogsadey. Iyada oo aad uga dan leedahay ujeeddo yar oo maalinle leh ama dan yar oo habeeno ah.
Xasuusnow Islaamnimadaada iyo waxay diinteenna suubani ka qabto, qofkii fitno huruda toosiya!



Ifku waa ayaamee, aakhiro xasuusnow.


 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 


 

Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho!

 


Waa qaybtii saddexaad ee qormadan aynnu maalmahanba soo wadney oo ay dulucdeedu tahay, waano iyo wax-isu-sheeg ee ku soo dhawoow akhriste mar kale.


Waxa la yidhi, " Saddex lalama dego." kuwaasi oo kala ah:

Fule daandaansi yaqaanna
Bakhayl damac yaqaaanna
Iyo doqon fiiro taqaanna


Haddaba saddexdaasi midna ha noqonin ee magacaaga iyo muunaddaadaba ilaasho.
 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com
 

 

 


 

Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho!

 


Qormadii Labaad


Nabad akhristayaal, waa qormadeenii labaad ee qorshaheedu ahaa; in ay qaladaadka dhac aayiyo qoomankeenna daweyso!!

Maahmaah Soomaaliyeed ayay gobo'deedu tahay (It's central idea), in ay laba qof geerida ada jecel yihiin.

labadaasi qof oo kala ah, " Diric shisheeye iyo doqon sokeeye"

Haddaba, kolley noqon maysid diric shisheeye ee ha noqonin doqon sokeeye!!

 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho!

 


Akhristayaal Salaan kaddib, halhays Soomaaliyeed ayaa wuxu yidhaahdaa, "Waa la doogi ye, yaan la dacaroon."


Dad badan baa leexda xilliyada adag oo darjiidha!


Hadalkaa deden

Ee la saaray daboolka

Adigu sii dildilaacso!

 




Cabdullaah Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com