Yusuf Garaad oo Loo Magacaabay Safiirka Cusub Ee Soomaaliya U fadhiyin doona Qaramada Midoobay

 


 
Muqdisho (TNN) :- Dowladda Soomaaliya ayaa u magacowday Yusuf Garad Cumar Mad axa joogtada ah ee Ergada Soomaaliya ee Xarunta Qarammada Midoobay ee New York.

Danjire Yusuf Garaad oo horay madax uga ahaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda, ay aa wuxuu beddeli doonaa danjire Dr. Climi Ducaale oo in ka badan 10 sano Soomaaliya safiir uga ahaa Qaramada Midoobay (QM).

Yuusuf Garaad ayaa wuxuu Sannadkii 2012-kii, isku soo Sharraxay jagada Madaxtinima da Soomaaliya, balse wuu ku guul-darreystay.

Sidoo kale, intaan loo magacaabin xilkan cusub, Yusuf Garaad wuxuu Madaxweyne Xas an Sheekh Maxamuud kala talin jiray arrimaha la xiriira warbaahinta.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar, ayaa tariikh dheer ku leh warbaahinta Soomaaliya isaga oo si weyn loogu xasuusto doorkii uu ka qaatay intii madax ka ahaa laanta Afka Sooma aliga ee BBC-da, waana shaqsigii Soomaaliyeed ugu dambeeyey ee madax ka noqda laa nta Afka Soomaaliga ee BBC-da.