Axmed-Siilaanyo Iyo
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Natiijadii
xukuumadda
Labada guddoomiye xisbi Mucaarad
ee KULMIYE iyo UCID ayaa ka hadlay aragtidooda la xidhiidha
natiijada ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay baadhitaanka
weeraradii argagixiso ee 29 Oktoobar, ka dhacay magaalada Hargeysa.
Hargeysa(Geeska)-Labada guddoomiye xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo
UCID ayaa ka hadlay aragtidooda la xidhiidha natiijada ay xukuumadda
Somaliland ka soo saartay baadhitaanka weeraradii argagixiso ee 29
Oktoobar, ka dhacay magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo
Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo uu Geeska
Afrika siyaabo kala gooni gooni ah u weydiiyay aragtidooda, ayaa
kaga jawaabay dareen isku dhow. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md.
Axmed Maxamed Siilanyo, oo ka jawaabaya aragtidiisa la xidhiidha
natiijadaas xukuumadda ayaa yidhi, “Waxaan u arkayaa, dawladu
hawsheedii iyo shaqadeedii ayay qabsanaysay oo ay ku maqnayd, markaa
sida ay warka u soo sheegtay khasab baynu u qaadanaynaa oo dawlad
shaqadeedii qabsanaysay oo war inoogu maqnayd baanu u arkaynaa oo
intaa ina soo gaadhsiisay, markaa sidaasi ayaanu u qaadanaynaa oo
waanu ogolnahay oo shaqadeediibay qabsatay.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna isaga
oo Geeska Afrika uga jawaabaya aragtidiisa arrintan ayaa yidhi,
“Waanu soo dhawaynaynaa Xisbi ahaan oo aad baanu u soo dhawaynaynaa,
arimuhu way kala horeeyaane, mar haddii la inoo tilmaamay
cadowgeenii, waxaan u arkaa inay guul tahay, waanuna ku amaanaynaa
dadkii baadhista ku jiray, waxaanuna jecelahay insi deg-deg ah loo
keeno Maxkamada, qodobkii dilka ahaana lagu isticmaalo, oo cid dambe
oo la cafiyo ama xabsi daa’in lagu xukumaa jirine, ciqaabtay
mutaysteen oo sharciga Islaamka ah la mariyaa. Waxa kale oo aanu
leenahay ha soo dhamaystiraan baadhista inta hadhsan.”
Xukuumadda Somaliland ayaa khamiistii toddobaadkan kooxda Al-Shabaab
oo ku jirta liiska ururada argagixisada ah ee Maraykanka ku eedaysay
inay ka dambeeyeen falalkii is qarxinta ahaa ee 29 Oktoobar, lala
beegsaday xarunta Madaxtooyada, Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa iyo
xarunta hay’adda UNDP ku leedahay magaalada Hargeysa.
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|