Gudigigii Qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga Udub oo la magacaabay

 

Xisbiga Udub ee talada dalka haya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay guddigii Qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga kuwaasoo ka kooban Kow iyo tobon xubnood

Gudigan ayaa waxa Gudoomiye u ah M/weyne Ku xigeenka Somaliland,waxaana Xubnaha kale yihiin Shan ka mida Golaha Wasiirada iyo Shan ka mid Gudiga Fulinta ee xisbigaasi,waxayna kala yihiin magacyadoodu sidan.

1-M/weyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin…Gudoomiye.
2-Wasiirka Hawlaguud
3-Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.
4-Wasiir u dawlaha Arimaha Gudaha.
5-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.
6-Wasiir ku xigeenka Qorshaynta.
7-Cismaan Garaad.
8-Maxamuud Cabdi Malow.
9-Rashiid X.C/llaahi.
10-Cumar jaamac Faarax.
11-Mr.Xabad.

Waa markii u horeysay Xisbi xaakimku si Rasmi ah ugu dhawaaqo inuu qabsado shirweynihii Xisbiga ee lagu dooranayay Musharaxa M/weynaha iyo Ku xigeenka ee isu taagaya Tartanka doorashada Madaxtooyada ee qabsoomi doonta dhowaan.

Arintan ayaa waxay ku soo beegantay Todobaad ka dib markii uu geeriyooday Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB,Alla haw naxariistee Maxamed Ismaaciil Bulaale,islamarkaana aan wali cid kale loo magaacibin Jagadaas.
Sidoo kale waxa iyana soo biiray xubno ka mid ah Xisbiga Udub oo miisaan ku lihi ay ku dhawaaqeen inay u Taagan yihiin Musharaxiin M/weyne Iyo Ku xigeen kuwaasoo sheegay xisbiga dhexdiisa inay ka tartarmidoonaan.

Waaxa si weyn indhaha loogu hayaa sida ay u dhacdo ama lagu kala saaro Xubnaha xisbiga ka tirsan ee ku tartami doona Jagooyinka M/weynaha iyo Ku xigeenka,kuwaasoo noqondoona Musharaxiinta Rasmiga ah ee Xisbiga ee isku soo taagi doorashada Madaxtooyada ee sanadkan 2009.

Waa Xisbiga kaliya ee sadexda Xisbi Qaran aan wali Shirweynahoodii Qabsan.


 

 


Kayse A.Digaale
Kdigale@yahoo