Maamulaha Guud ee Dahabshiil oo ka hadlay Hawlaha Xawaaladaha
Minnesota iyo arrimo kale
Hargeysa (TNN) – Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Md.
Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa markii ugu horreysay ka warramay
hawlaha xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota, kaddib xayiraaddii lagu
soo rogay toddobaadyo ka hor.
Md. Cabdirashiid oo u warramayay barnaamijka Ganacsiga ee laanta
afka Soomaaliga ee Ida acadda BBC, waxa
kale oo uu sharraxaad ka bixiyay adeegyada shirkadaha Dahabshiil iyo
kh udbad uu ka jeediyay Jaamacadda caanka ah ee London School of
Economics.
Maamulaha Guud ee Dahabshiil waxa uu xusay in xayiraadda lagu soo
rogay xawaaladaha So omaalidu aanay ahayn mid ku baahsanayd guud
ahaan dalka Maraykanka, bal se ay ahayd mid ku kooban gobolka
Minnesota iyo Bangi ka mid ah bangiyada ay xawaaladuhu wada-shaq
aynta la leeyihiin.
“Maraykan oo dhan maaha, waa gobolkaas Minnesota, bangiyada oo dhan
maaha, waa bang iyada qaar, iyaga oo sharciyada jira ka baqaya waxay
yidhaahdeen shirkadaha Soomaalida ee Minnesota ka shaqeeya ma
doonayno inaan la shaqaynno. Shirkadaha Soomaalida ee sha qeeya
gobolka Minnesota sharcigii way buuxiyeen, cid ku haysata oo leh
sharcigii baad ka soo bixi weydeen ma jirto. Waa bangiyada qaar oo
ka baqaya in maalin maalmaha ka mid la yidhaahdo lacag baa beri la
idin mariyay” ayuu yidhi Md. Cabdirashiid Ducaale.
Cabdirashiid waxa uu ka warramay sida ay illaa iyo iminka u socdaan
hawlaha xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota, isaga oo Soomaalida
gobolkaas ku dhaqan ka codsaday inay iskaa shaadaan, isla markaasna
ay warkooda gaadhsiiyaan maamulka dalka Maraykanka.
“Shaqadii way socotaa oo dadka waannu u shaqaynnaa. Hawl baa se weli
taalla, waxaanan ka codsanayaa dadka Maraykanka jooga iyo Soomaalida
gobolkaas ku dhaqan ba in iyaga oo iskaashanaya ay warkooda
gaadhsiiyaan Congress-ka, Senate-ka Maraykanka, maxaa yeel ay,
arrintani waa mid dadka Soomaalida ah oo dhan saameynaysa,” ayuu
yidhi Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil, isaga oo sheegay in
shirkadaha Soomaaliyeed ee gobolka Min nesota ay ilaaliyeen
sharciyada u yaalla Maraykanka.
Cabdirashiid waxa uu ka hadlay kaalinta ay adeegyadooda ganacsi kaga
jiraan horumarka S oomaalida, isaga oo si gaar ah u xusay doorka
shirkadda isgaadhsiinta Teleefannada ee Som tel “Shirkadda Somtel oo
Dahabshiil saami ku leeyahay, waxay bulshada u soo bandhigtay
Internet iyo Teleefanno aad u jaban. Tusaale ahaan, Cayaaraha
Soomaalida oo kale, waxa si toos ah u soo gudbinaysay shirkadda
Somtel” ayuu yidhi Maamuluhu, waxaanu tilmaamay in shirkaddiisu ay
mar walba caawimo dhaqaale ka geysato arrimaha bulshada ay u adeegto,
mar kasta iyo meel kasta.
Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Md. Ducaale waxa uu sidoo
kale faahfaahin ka bixi yay khudbad uu shalay ka jeediyay mid ka mid
ah Jaamacadaha ugu caansan dunida.
“London School of Economics, waa halka ay hoggaamiyeyaasha iyo
siyaasiinta adduunku ka soo baxaan. Markii ay na soo doorteen waxay
yidhaahdeen, waddammo dhibaatooyin laga sheego ayaad ka shaqaysaan,
markaas waxaannu doonaynaa in aad nooga warrantaan sida aad uga
shaqaysaan? Annaga sharaf bay noo tahay in aannu Jaamacaddaas ka
hadalno oo aannu dalkeenna wanaaggiisa ka sheekaynno, maxaa yeelay,
inta badan xumaan baa la inna ga sheegaa,” ayuu hadalkiisa ku soo
gebagebeeyay Md. Cabdirashiid MS Ducaale, maamulaha guud ee
shirkadaha Dahabshiil.
Source: Somaliland.Org
|