Xisbiga KULMIYE Oo Meel Banaan Xaflad Ugu Qab tay Taageeryaal Ku Soo Biiray Markii Xukuumada Somaliland Ka Hor-joogsatay Huteeladii

 


Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta xaflad balaadhan uu ku soo dhaweynayay Taageereyaal ku biiray ku qabtay Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa hortiisa ka dib markii xukuumada Somaliland ay u diiday xisbigaasi inay wax shirar ah ay ku qabsadaan Hudheelada waaweyn ee Caasimada muddo laba cisho ah.


Xafladan loo sameeyay taageereyaal tiro badan oo ka soo jeeda beesha Nuux Ismaaciil, oo ka mid ah beelaha waqooyiga Hargeysa, waxa ka soo qeyb galay Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada kaga jira xisbigaasi.


Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo xafladaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Wallaalayaal, waxaan aaminsan nahay in dawladan hadhaaga ahi ay noo hiilisay, waxay inoogu hiilisay qol xidhan inaynu ku shirno ayay inoo diiday oo dibada ayay inoo soo saartay Geed walba waa qol, Banaan waliba waa qol,markaa guul baan taagan nahay. Waxaan mahad u celinayaa abaabuleyaasha shirkan oo markii albaabka laga xidhay aan kala tagin ee ku dhacay oo dibada iskugu keenaan yeedhay.”


“Waxaanan dhawaan rajaynaynaa inagoo xaafad walba ka nimid aynu meelo ka waaweyn iskugu nimaadno halkan,waxaan idiin sheegayaa oo sharciyadii dalkan lagu tuntay, oo aanay xukuumad sharci ahayni ka dhisnayn wixii ka dambeeya 6-da bishan April,”Ayuu Yidhi Md Gaboose.


Dr Gaboose wuxuu sheegay in badhasaabada Goboladuna ay noqonayaan wakiilada xisbiga hubaysan ee UDUB.


“Dastuurka dalka ayaa noo fasaxaya inaan shucuurteena muujino, oo aan iskugu soo baxno si salmi ah,waxaan idiin sheegayaa xisbiga KULMIYE cidna uga hamran maayo cidna ku tixgelin maayo inuu dibada u soo baxo oo uu taageereyaashiisu iskugu soo baxaan banaan bax,”ayuu intaasi raaciyay Dr Gaboose.


Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah u arkayn in laga horjoogsado Huteelada ay xafladaha ku qabsanayaan, isagoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “Malaa dad badan baa cadhaysan oo Huteel baa la inoo diiday iyo wax lehe’e horta Anigu cadho-na ma qabo ciilna ma qabo.oo Anigu dad aan isku xayd-xaydaba ku arki maayo qolada waraaqahan hudheelka la inoogu diiday soo qoray iyo ayaan arkayaa waxba uma arkayo , markaa waxaan leeyahay waxaan u arkaa carruur igu khaldantay.”


Muuse Biixi wuxuu ammaanay taageereyaasha ku soo biiray oo ah beel ka mid ah beelaha waqooyiga Hargeysa oo uu aad u bogaadiyay kana war-bixiyay taariikhdoodii, isagoo soo qaatay tixo gabay ah oo hore loogu tiriyay Beesha Nuux Ismaaciil.


Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee KULMIYE oo ka hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta wuxuu yidhi “Dawlada maanta joogta wada hadalnay oo waxaan leeyahay, horta waxaan la yaaban nahay UDUB waxa doorashadii Madaxtooyada u coddeeyay 42% , KULMIYE-na waxa u coddeeyay 42% lix sano ka hor oo way is le'ekaayeen, waxaan leeyahay lixdaa sanadood dadkii u coddeeyay KULMIYE, muddaas waxay ku jireen waan ku xidhayaa, shaqada ayaan kaa eryayaa, qaran diid baad tahay, iyo Hudheel aad ku shirtaan idiinma ogolin.”


“Intaas oo dhan waxaanu leenahay dawlada ilmaadeereyaal maxaad leedihiin? Oo waanu baryaynay walina baryaddii kama aanu daallin oo dhawaan baanu soo saarnay go’aankayagii oo waliba waxaanu ogol nahay wadahadal, haddii wax lagu helaayo. Horta dad isle'eg ayaa ina doortaye haddii aanu idin ixtiraamnay oo ay shan sanadood dhammaatay oo aanu kordhinay, oo waliba aanu idin leenahay ammaanaddii inaga dhexaysay aan ka tashanee badka soo dhiga. Haddii Aad diidaan sidii ay idinla noqoto anagana waa naga guddoon nina yay la xumaanin,”Ayuu Yidhi Muuse Biixi.


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo xafladaasi hadal dheer ka jeediyay ayaa tilmaamay in uu ku faraxsan yahay inuu xafladaasi qiimaha leh oo meel banaan lagu qabtay uu ka qeyb galo. Waxaanu si weyn ugu mahadnaqay taageereyaasha ku soo biiray oo waliba Xisbigaas ugu deeqay qaadhaan toban kun oo Dollar ah.


Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlayay mawqifka Xisbigaasi wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa in aan eray ka idhaahdo xaalada maanta Xisbiga KULMIYE halka uu taagan yahay waynu og-nahay waynu aragnaa oo xisbiga KULMIYE waxa lagu haystaa iyadoo loo diidan yahay Hudheeladii iyo banaanadii kale. Iyadoo shirarkooda ogol inay meel walba ku qabsadaan. Waxay og-yihiin in shacbiga Somaliland iyo ummadda reer Hargeysa ay taageersan yihiin oo ay ku kalsoon yihiin Xisbiga KULMIYE. Xisbigani wuxuu u dagaalamayaa xorriyada, horumarka iyo sharafka dalkan”


“Xilkii Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisu berrito ayay dhammaanayaan waxaanu halkan ka caddeynaynaa inaan maalintaa wax ka dambeeya u aqoonsan doonin inuu Madaxweyne Dalkan ka yahay, xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay doorasho xor iyo xalaal ah marka ugu horreysa ee ay qabsoonto uu isku taago waxaanu ku kalsoon yahay xoogga iyo kalsoonida taageerada dadweynaha uu haysto, marna ma aanaan diidin, Daahir Rayaaale Kaahin kalsooni darro uu ka qabo xisbiga KULMIYE inuu maanta yidhaahdo Hudheeladii xorta ahaa ma geli karaan” ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.


Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in marka ugu horreysa ee ay munaasib noqoto ay Taageereyaasha KULMIYE isugu soo baxayaan mudaharaad salmi ah oo uu ku dooday in dastuurku uu u baneynayo.


Md. Siilaanyo wuxuu tilmaamay in 6-da bishan April ay tahay maalintii la aasaasay Ururkii SNM, waxaanu yidhi “Berrito waa maalintii SNM la aasaasay waxay ahayd in la isugu yimaado fagaaraha beerta xoriyada, markii la ogaaday in shacbigu halkaasi isugu imanayo oo KULMIYE tagayo, maanta warka soo baxayaa wuxuu leeyahay xafladii halkaa lagu qaban maayo, taas macnaheedu waxa weeye Halgankii ayaa halkaasi lagu dafiray oo cabudhiya ayaa la is leeyahay, cabudhis yeeli mayno mudaharaad sharci ah ayaanu sharaftayada iyo dareenkayaga ku muujinaynaa, waxaan leeyahay Daahir Rayaale ha dhaco”


Guddoomiyuhu wuxuu cambaareeyay go’aankii muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweyne Rayaale Kaahin iyo xukuumadiisa.


Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Md. Maxamed Cabdi Iskeerse, Maxamed Cabdi Arabay, Maxamuud Dhoola-dahable, iyo Axmed Yuusuf Nuur oo isagu ku hadlayay magaca taageerayaasha ku soo biiray xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE.








Ramaasnews