HAMBALYO
TIMACADE NEWS SHABAKADDA SANNADKA 2009

 


Marka hore waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa dhammaan shacbiga Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibaduusaba ku nool, salaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu.Waxaan kale oon salaan sharaf leh u  diray aa dhammaan saxaafadda Somaliland dhamaantood.


Waxaan halkan Hambalyo aad u ballaadhan aan uga dirayaa Tafatiraha,islla markaana ah Webmasterka shabakadda caalamiga ah ee Timacade News Network ,Engineer Maxamed Cali Muse iyo dhammaan shaqaalaha ka hawl gala shabakaddan qaaliga ah..


Waxaan muddo aad u badan qiimeyn iyo hubin badan ku sameeyey  shabak adaha faraha badan ee laga leeyahay Somaliland. Marka aad mid walbba dheehato , waxaad ka garan kartaa inta ay leeg tahay aqoonta ama  farsa mada ka danbeysa shabakadahaasi .


Sida aniga iyo inta aadka ugu kuur gasha websitedada Somalilandba,waxa y qireen in shabakadani aad uga heer sareyso , kana dhex muuqato kuwa kale , waxaana ku soo jiidanaysa muuqaalkeeda , habeynteeda iyo habka ay u soo bandhigto maqaalada xiisaha leh, waana mid aynaan hore uga baran shabakadaha Somaliland .


Intaa , waxaa u dheer ood u bogaysaa farsamada iyo farshxanimada lagu saleeyey bogga ay u qoondeeyeen hanbalayada iyo salaamaha,oo  indhah aagu aad u jecleysanayaan iyo weliba heesta lagu duubay ee uu qaadayo Cumar Shooli ,ee ladnaan ku waara.


Shabakdani wax badan ayey ku soo kordhisay golaha saxaafadda  Somalila nd,waxxnay kor u qaatay sumcaddii Somaliland oo meel walba farta lagu fiiqay ,waana guul ay soo hooyeen hawl wadeenada Timacade News.

Isku soo wada duuboo, isha ayaa macalina ayaa hore loo yidhi,waxaanan hambalyo ballaadhan u dirayaa dhammaan hawl wadeenada shabakada Timacade News.


 


Ahmed Jama

 


 

 



Ardaydii ka qalinjabisay Dugsiga sare ee Timacade oo hambalyo u diraya shabakada wararka ee Timacade.

 


Waxqabad farxad leh oo lagu diirsaday
. Anaga oo ah dhaman ardaydii wax ka baratay Dugsiga sare ee Timacade waxaan hambalyo iyo bogaadin u di raynaa shabakada wararka ee Timacadenews.

Runtii waa wax lagu farxo inaan wararka iyo hadba waxa jira ka daalacano shabakad uu ku xardhan yahay magaca abaalka iyo qiimaha agtayada ka leh. Waxaan si gaara u hambalyaynaynaa dhamaan intii ka qayb qaadatay suuragalinta websitekan.



Liiska ardayda



Wabilaahi towfiiq



Mawel Ali Omer……(Sweden)

A/yasin Mahamud Ibrahim…..(University of Hargeisa)

Ali Sh. Ahmed-yasin Sh. Ali …..(University of Hargeisa)

Hussein Mouse Ibrahim. …..(University of Hargeisa)

A/karim Mahamed……(Ethiopian University)

A/karim Elmi Jama…..(University of Hargeisa)

Mahamed A/Qadir…..(University of Hargeisa)

Foosi Abdi Askar……(Indian University)

Bashir Mahamud Omer……(USA)

Sacad Siciid…..(University of Hargeisa)

Khadar Abdi Eisa…..(University of Hargeisa)

Mustafe Ali …..(University of Hargeisa)



Iyo arday kale oo aanaan magacacyadooda halkan kusoo wada koobi kara yn.
 

 



Ali Sh. Ahmed-yasin


 


 

 



Greetings of the new year

 

 

As a reputable and serious website and  individual who works for the  abu sed Mother- Somaliland, i commend you for the work you have done in the year passed and hope you for the best for the new year.


I send you my prayers, and many happy returns of this year and the many others which may follow-Inshaa allaahu.


Please keep on your voluntary work for the astray Mother! you may not get the rewards from the astray people but you may get it from Allah, the merciful, the all knowing, AAMEEN


We shall over come



Ibrahim Mead


 

 



Hambalyo Hambalyo Hambalyo

 



Ania oo ah mawaadin Reer Somaaliland ah degana Magaalda Hargeysa, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Webmaster TNN , Eng. Maxamed Cali
Muuse,
oo  marka runta laga hadlo ah ninka kaliya ee ka midho dhaliyey Ujeedadii laga lahaa saxaafada.dhinac kasta.

Waxaa kale oo aan ku hambalyeyenayaa Shahaado sharafta uu sanad wel ba bixiyo.

Sidoo kale waxaan laayahay hambalyo dadka sannadkan muteystay  Shah aadadihii oo kala ah Saleebaan Nuur , Adna Adan Iyo Farxaan X. Cali.


Waxaann idiin rajeynayaa inaad hawsha umada aad u qabataan sii laban-laabi doontaan. Hambalyo hambalyo



Abdi Jaamac Xuseen - Hargeysa.


 

 



Muwaadinka/niinta sanadka ee shahaada sharafta Timacadenews.com mutaystay

 


Salaama Calaykum.


Waxan hanbalyo aan la qiyaasi karin halkan uga dirayaa Mudane Maxamad Cali Muuse ( Farshaxan ) oo guntiga dhiisha iskaga dhigay inuu magaca  dal ka Somaliland iyo dadkiisaba kor u qaado, hawlaha badan ee aad  Somalila nd u hayso ka soksow, waxan aad ula dhacay barnaamijkan Bilad sharafta ah ee www.Timacadenews.com (TNN) , markii labaad sanadkan bixinayso.

 


Salaama Calaykum.


Cali Cumar Xasan.
afraad_4@hotmail.com

 

 

 

Timacade News Network , waxaad tihiin hormoodka Saxaafada Somaliland,
Bilad Dahaba iyo Shahaado Sharaf Baanan idiin hibeeyey



Waxaan marka hore salaan  u dirayaa dhammaan shacbi weynaha Somalila nd meel kasta oo ay joogaanba.

Waxaan maanta qalinka u qaatay inaan halkan ka shaaciyo dareenkayga, oo ay ila qabaan inta horumarka,jiritaanka iyo wanaagga Somaliland jecel.

Waxaa muddo immika laga joogo laba sanno iyo dheeraad , saxaafadda So maliland ku soo kordhay shabakad meel walbba laga hadal hayo, kuna  sifa wday wadani nimo , dhex dhexaadnimo, farshaxanimo indhahaaga soo jiida naysa ,runtana ka leexan, xaqa u hiilisa ,dulmigana aan indhaha ka qarsan, ishana ku haysa horumarka iyo ilaalinta sumcadda Somaliland.

Shabakaddan oo aad magacyadeeda ka dheehan karto wadani jacayl,waa shabakadda la magac baxday Longlivesomaliland (LLSL) ama Timacade Ne ws Network (TNN).


Sida aan la wada soconno , qawmiyadeenna ku hadasha  afka Somaliga,ma nihin bulsho taageerta , qiimeysa , ama  dhiiri galisa dadka dalka iyo  dadka ba waxatarka u leh,laakiin waxaynu waqti badan ku luminaa is xumaynta, xaasidnimada , qabyaaladda ,shaqsiyadda iyo sharafta qofka oo laga been abuurro , dhuuni raacnimo  iyo mijin qaada, oo  dhammaantoodna horseed ka ah burburka bulshada meel ku wada nool.

Taa waxaa daliil u ah,  maanta dadku Beenta ayaabay ka jecel yihiin xaqiiq ada  , waxaana dhacda ina ay dulmigana dugsadaan, xaqana aanay u hiilin.


Haddaba,iyadoo arrimahaas aan kor ku soo sheegay ay jiraan,iskana fogey naya dariiqaa qalddan, waxaan maanta aad ugu faraxsan ahay  inaan sha aciyo dadaalka iyo hawl karnimada ay muujiyeen  hawl wadeenada  shabak adda Timacade News , ugana  soo dhex mudheen  saxaafadda Somaliland i yo Soomaaliyaba.


waxaan dhammaan wariyayaasha,qorayaasha iyo tafatiraheeda guud , En gineer Maxamed Cali Muse , u hibeeyey Bilad Dahab ah iyo Shahaado Shar af , ay ku muteysateen aqoon , xirfad sare iyo wadani jacayl ay dalkooda iyo dadkoodaba u muujiyeen.


Waxaa weliba taa u dheer , kaalinta laxaadka leh ee ay kaga jiraan geedi socodka aqoonsi u raadinta somaliland , kor u qaadida sumcadeeda iyo hor umarkeedaba.

Taariikhduna waa ma guurto, waanay qoraysaa sooyaalka muwaadin wal bba wixii uu beerto,wanaag iyo xumaan ,waxtar iyo waxyeelo, iwm.


Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan,waxaad tihiin hormoodka sax aafadda Somaliland,Bilad Dahaba iyo shahaado sharaf baanan idiin hibeey ey.

 


Hooyo:Hibaaq Xuseen Ahmed

Burco , Gobolka Tog-Dheer
Jamhuuriyada Somaliland



 

 
 

 

HAMBALYO  MAGACA CUSUB , TIMACADE NEWS NETWORK (TNN)

 

 
Waxaan hambalyo aan la soo koobi karayn u dirayaa dhammaan  shaqaala ha , ma daalayaasha,ka hawl gala Timacade News Network.Waxaan kaloon  si gaar ah ugu mahad celinayaa Tafatiraha Guud / Webmastarka , Engineer Maxamed Cali Muse, oon leeyahay waxaad ku soo kordhisay saxaafadda S omaliland farshaxanimo , xirfad sare , oo  aan idhaha laga qarsan karin.

Waxaa adduunka laysku dhaafay MAGAC,waxaanad la baxdeen Magac  So mali oo dhan ku dhex leh   Sharaf,Qadarin, Maamuus , Wadaninimo iyo Ixtir aamba .

Waxaan idiin rajaynayaa in ilaahay hawshaa aad dalkiinna iyo dadkiina u  h aysaan idinku garab galo , inta jecel horumarka Somalilandna , wey la soco taa kaalinta aad kaga jirtaan horumarka iyo sumcadda Somaliland, taariikh baana qormaysa.


Saaxiibayaal, magaciin ha jiree , hawsha halkaa ka sii wada
 



Dr Maxamed Yusuf

Hargeysa Somaliland



 

 

 

HAMBALYO  MAGACA CUSUB , TIMACADE NEWS NETWORK (TNN)

 

 
Hambalyooyinka  naga soo gaadhaya bulashada  Somaliland  ee ku kala no ol dunida dacaladeeda



Maamulka Gabolka Gabliey oo uu ugu horeeyo Badhasaabaka Gobolka  Gab iley , Mudane Maxamed Axmed Aw Cabdi , waxa ay  hambalyo u dirayaan dhamaan shaqaalaha shabakadda wararka ee  www.TimacadeNews.com , iyagoo ug hambalyayanaya Magaca Qaaliga ah ee ay shabakadani hantida y .

Waxa kale oo iyaguna hambalyo taasi la mid ah soo gaadh siiyay shabadaa wararka ee www.TimacadeNews.com :

1-Maayaarka degmada  Gabiley, Mudane Aadan Muxumed Bade
2-Badhasaab ku xigeenak Gobalaka Gabiley,Mudane C/risaaqa Sh Aadan
3-Guddoomiyaha degmada Tog-wajaale, Mudane Maxamuud Muxumed Ibraaahim
4-Guddoomiyaha Gudida Hormata Gabolka Gabiley ,Mudane Maxamuud yuu suf Xaaji Cabdi Camir
5-Maamulka Jaamacadda Timacade University



Waxaa kale  oo iyaguna hambalyo taasi la mid ah  soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakad wararka ee www.TimacadeNews.com , ee magaalada Gabiley:

 
1-Agaasimah Guud ee TV  ga Qaranka,Mudane  Maxamed Muse Diiriye
2-Tafatiraha shabakada waraka Gabiley.net,  Siciid Khaddar C/laahi
3-Agaasimaha Gabiley News ee Gobalka Gabiley, Axmed Sh. Nuur Ducaale
4-Wariye Nimco Muxumed Ibraahim
5-Wariye C/rsiaaqa Axmed Hayaan ( Ilkacase)
6-Wariye aadan cabdi ciile H..CABLE TV
7-Wariye Muxiyadiin Cumar Cabdi
8-Wariye Niciima Yuusuf Cilmi
9-Wariye Fihiima  C/raxmaan Yaasiin


Anigoo ah  Nimcaan Dheeg Ibraahim, kana  tirsan Bahda shabakadda wara rka ee www.TimacadeNews.com,  waxan aad  iyo aad idiinka  mahad  celina ynaa hambalyooyinkii   aad na soo gaadhsiiseen.Waxaan kale oon u mahad celinayna   dhammaan  akhristayashayada sharafta mudan , ee ku kala sug an dunida daafaheeda.


Haddii aanu nahay Bahda Shabadada  Caalamiga ah ee TimacadeNews.com,  waxanu idiin balan qaadaynaa , inaanu idiin soo gudbin doonno  warar, suu gaan,duruus diini ah,maqaalo iyo barnaamijyo aad ka heli doontaan .


wabilaahi tawfiiq


 

Nimcaan Dheeg Ibrahim
Agaasimaha Timacade News ee Gobolka Gabiley



 

 

 

 

HAMBALYO BAHDA LONGLIVESOMALILAND NEWS MEDIA

 

 

To: Editor in Chief & Webmaster Long Live Somaliland, Eng. Mohamed Ali Muse
 

Dear Eng. Mohamed Ali Muse,

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca inta jecel wanaagga, madax-banaanida iyo horumarka Somaliland, waxaan adiga iyo bahda shabakada wararka L. L. SL u soo gudbinayaa salaan, hambalyo iyo amaan badan oo aad ku mutaysateen, sida dhex-dhexaadnimada ah, hufan ee hannaanka wacan ee shabakada L. L. SL aad ugu guntateen soo gudbinta iyo ka  haqa b tirka wararka, waayaha iyo xaaladaha ka jira (Our beloved and sweet Homeland Somaliland).

War ayaa ugu gaajo kulul. Xaqiiqdii shabakadda L. L. SL waa hormuudka iyo haqab tiraha wararka, sooyaalka taariikheed, horumarka iyo aqoonta la  xi dhiidha dalkeena hooyo.

Haddaba Eebbe ha idin garab galee dadaalka iyo horumarka aad gaadheen halkiinaa ka sii wada.



Wa Billaahi Tawfiiq,



Mahadsanid,

Eng./Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)


 

 

 

MAHAD CELIN

Anigoo ku hadlaya magacayga Axmed Cabdi Cali,magaca reer suldaan Max amed Suldaan Diiriye iyo Beelaha Subeer Awal guud ahaanbba,waxaan ma had celin aan la soo koobi karayn u diraynaa dhammaan shaqaalaha ka ha wl gala shabakadda caalamiga ah ee Longlivesomaliland News Media iyo  Tafatiraheeda Guud Engineer Maxamed Cali Muse, sida  qadarrinta, walaalti nimada, kal gacalka iyo sharafta leh , ee aad nooga soo tacsiyadeyseen, is la  markaana  aad noogu soo gudbiseen dhammaan tacsidii ay noo soo dire en shacabka reer Somaliland,  geeridii naxdinta lahayd ee ku timid  Sulda an Maxamed Suldaan Diiriye.

Waxaa taa ii raaca, oo  iyana aan ka mahad celinaynaa sida farshaxanima da la yaabka leh  ee aad u soo bandhigteen soo dhaweyntii Suldaan  Cabdi risaaq Suldaan Cabdillaahi ,oo runtii dhammaantayo aad nooga wada  farxi say, abaal weyn ayaanan idiin haynaa.

Waxaan ilaahay idiinka baryaynaa inaad hawshaa aad ummaddiina iyo dalk iinna u haysaan ilaahay idinku garab galo , guulo waa weynna aad ka soo hoysaan.

Waxaan intaa ku dari lahaa, dhammaanteen, shacbiga reer Somaliland, ee walaaltinimada iyo wadanimada jecel ,inaan gacan weyn ka geysanno sidii aan taageero  u siin lahayn dhammaan websiteyada Somaliland,oo iyagu is ku xilqaamay inay dalkooda iyo ummadoodaba  tabaruc ugu  shaqeeyaan.


Wa bilaahi tawfiiq

 


Axmed Cabdi Cali
Hargeysa Somaliland
 

 

 
 

MAHAD CELIN

Anigoo ku hadlaya magacayga,  Halgen Maxamed Yuusuf  Buux, magaca tafatiraha guud , Engineer Maxamed Cali Muse, magaca  dhammaan shaqa alaha  Longlivesomaliland.com , Waxaan mahadnaq u diraynaa dhammaan akhyaartii nagala soo qeyb gashay damaashaadkii loo sameeyey sannad guuradii 2aad ee ka soo wareegtay aasaaskii mareegta Longlivesomaliland.

Waxaan Ilaahay ka baryaynaa in sanadka sanadkiisa kale inagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo barwaaqo.

Waxaan mar kale idin leenahay, aad ayaad u mahadsantihiin, intii noo soo qortay Hambalyada iyo intii akhrisatayba, nagana guddooma salaan qada rrin iyo sharafba mudan.
 


Halgen Maxamed Yuusuf Buux

Longlivesomaliland News Desk
halgen@longlivesomaliland.com
Holland office, Holland


 

 

 

WebkiiI Ugu Mudnaayee Milgaha  Lahaayow

 
Farxadan maanta ku beegan  labada sanno ee  ka soo wareegtay aasaas kii Longlivesomaliland.com, waxan leeyahay:

 

Waligiin ha daalina , hana daynin ficilkaa Dawaa imani doontee, dadku way koraayaan Daruuraa u soo di'i ,waxan doonaynaa iman

********

Deeqdii allaa iman ,diricyaa hogaamiya Dacaladay ka joogaan,damiin nacas ma yee laan,deg deg kuma shaqeeyaan,dulqaad bay

********

U leeyiin , waxa uu dalkoodiyo dunidu ay ka sugaysaa.Sharaxaadda wacaniyo , sharafta websaytkani,  waa sidii la rabayoo, waxad suura galiseen sawirkii la sugayiyo sifahaan lahaan jiray.

********

 

Markaan eego warbaahinta Somaliland waa ka ugu habdhiska wacan Longlivesomaliland.com,xagga {design ka , midabka iyo farsamada ku dhi san {high quality engineering} taasoo uu mahadeeda leeyahay Engineer Mohamed Ali Muse , oo ah isku duba ridaha wararka, faalooyinka, xayeysii syada,siyaasada iyo wixii ku shuqul leh nolosheenna kuna saabsan dalkee nii hooyo Somaliland.

Waxan idin leeyahay eebbe ha idinka dhigo kuwii ku guulaysta hawsha aad wadaan,ee ilaaliya dhexhdexaadnimo markay noqoto arrimaha siyaasadda iyo wixii la halmaala,sanadka sanadkiisa guul eebbe iyo garashada aqooneed. Aamiin  Aamiin



Abdirahman Ibrahim Bouh

Leicester UK


 

 



Hanbalyo Hanbalyo
Longlivesomaliland


 

Waxaa farxad iyo raynrayn ii ah inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo gudbiyo warsidaha  LONGLIVESOMALILAND oo u dabaaldagaya munasabadda sanadguurada labaad ee ka soo wareegtay markii la sa meeyay warsidahan.

LONGLIVESOMALILAND waxay dadka akhristaa uga bar teen war hufan oo ku salaysan xirfad iyo dhaqan saxaafadeed oo casri ah, kana turjumaya baahida akhristayaasheedu u qabaan warar xaqiiqa ah oo lagu kalsoon yahay iyo aragti madaxbanaan.

Waxaan ugu baaqayaa LONGLIVESOMALILAND inay si xoojiso ku dhaqanka adeega warfaafineed ee tayada leh ee akhristayaasheedu uga barteen.



Dr. Mohamed A Omar
London UK
 

 

 



Hanbalyo Long
livesomaliland

Anaga oo ka faa,idaysanaya fursadddan waxaan halkan hambalyo u marin ayaa guud ahaan hawl-wadeenadda mareegta Long Live Somaliland, gaar ahaana madaxa/ tafatiraha (Engineer Mohamed Ali Muse), munaasabadda sanadguurada labaad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay mareegtan.

Waxaan idiinku guubaabinayaa sida fiican ee aad hawshan u wadaan idinka oo isku darsadday waayo-aragnimo ay ka mid yihiin; qoraalka, habaynta iyo farshaxanimmo dheeraad ah oo aad baro-dhaafiseen mareegaha kale.

Waxaan shaki ku jiran in mareegtani noqotay mareegaha loogu akhris bad anyahay mareegaha Somaliland taasoo aad ku kasbateen arimahaas dusha ku xusan.

Aad ayaad ugu amaanan tihiin sida hagar la,aanta ah ee aad noola  soco dsiisaan wixii warar ah ee ku saabsan Somaliland.

Mar kale waxaan idinku dhiirigalinayaa inaad hawshaas halkaas ka sii wada an aanad u dhabar adaygtaan hawshaas tabaruc nimadda aad ku wadaan.


Allaa Mahad Leh
 

 


Engineer Abdisamed Nuh Outeh

Leicester Uk

 

 

 



Happy birthday to you

On the occasion of your 2nd anniversary, I would like to extend my best wishes to all the Long live Somaliland staff members.

In the meantime I ask you to allow me use this opportunity as being a  tun nel for my goodwill call to you and the rest of the Somaliland press in  gen eral.

I am trying to reflect what almost everybody of my spectre may have lived with, probably the dull media syndrome that affected many and made them sickened or created a lost of appetite to even go through it.

My gesture shares with fellow Somalilanders to shed the light on the existence of wide media vacuum when it matters our lack of professional journalism.

This big burden was ought to be one of our common responsibilities  towa rds healing our old wounds in the merits of a real reconciliatory efforts so then we can find our way in building a modern state of our beloved  Somalil and.

Although we have a few harmonious net stations that may do their job in full creed, I can bluntly assure to you how I will put my own finger to sign any order in case of mass closures by out listing the bulk of remaining types that may number as nearly as one quarter of the existing talk the talk nets.

Worst of all is that intentional wrongdoings are spreading their pace  with in the public mainstream hampering the state of mind deepening existing problems, arousing feuds and becoming a playground for negligent purpos es.

Furthermore using our media has nowadays become destructive weaponry to harm each other, where you see much nonsense time and again. Such a bias propaganda war fare among individuals who compete in their fanatici sm; those dirty contributions are only costing our hardly earned peace and adding more fuel into the already sky-high flames.

I hope you can lead this field and stick with the non-partisanship profile and purse as a model of reliable information source for all, to fill the loophole gaps left by the current news actors which are mainly based on shooting some clanstic sentiments.

Those so called media institutions are mostly transformed into a rally park putting the red carpet for some well known bad guys. They are indeed a major part of problem making instead of being part of the solution.

Playing the role of neutrality is not only the way we can honestly bridge our differences, but it is the only means that can revive back our dead hearts and minds boosting us with a great deal of confidentiality



East and west Somaliland is best



Ali Mohamoud Noor
(Ali-Eid)
Oslo, Norway

 

 

 



Hanbalyo Hanbalyo
Longlivesomaliland.com


 

Marka hore waxaan hambalyo u soo dirayaa dhamaan shaqaalaha maree gta longlivesomaliland.com sannadguuradda 2aad ee ka soo wareegtay xiligii la aasaasay.

Waxaa farxad noo ah in (idamka Alle ka sokow) dedaal, samir, hufnaan, kar ti iyo hufnaan shaqo oo ay la yimaadeen hawl wadeenadda shabakaddu ay suurtogalisay in maanta halkan ay soo gaadho.

Waxaan idiin rajeynayaa in sannadkan sanadkiisa aad ku gaadhaan guul.
 

 


Hamse A. Khaire (Cabdi coofle)

 

 

 



Hanbalyo Hanbalyo

 


 

Asaalamu-calaykum,


Dhamaan Tifatiraha,Qorayaasha,Warfiyeenada Shabakada waxaan hanbal yo aan la soo koobin karin aan hawada idiin soo marinayaa ,idinka oo u dabaalgadayaa sanad guuradii labaad.

Waxaan ilaahay idiinak baryayaa iyada oo aynu ku jirno bishii barakaysay nd in aad ku talaabsataan Horumar wayn oo aad ku anfacdaan dadkiina iyo diintiina iyo dalkaba.

Hanbalyo.Hanbalyo



Mohamed Aden Mumin

Hargeisa Somaliland

 

 



Hanbalyo Hanbalyo

 


Aniga oo ah Shiine Cali Muse,  waxan habalyo iyo bogadin u dirayaa dham maa hawl wadeenada Bahda  longlivesomaliland.com ,waxa leeyahay  wax aad gudateen waajibaad Qaran oo dalkeenu iyo dadkeenuba u baahnaa.

Waxaad mutaysateen Bilad Dahaba,oo aad ku hanateen hawl karnimo, daa cad nimo,dhex dhexaadnim,xaqa iyo runta oo aydaan ka leexan,farshaxan nimo,aqoon sare iyo weliba bilicda iyo muuqaalka aad u habayseen warsidi hiina.

Waxaan ilaahay idiinka baryayaa inaad sannadka sannadkiisa bash bash, b arwaaqo iyo guul ku gaadhaan

 


Shiine Cali Muse

Birmingham UK

 

 



Hanbalyo Hanbalyo

 


 

Waxaan hanbalyo aan la soo koobi karayn u dirayaa dhammaan shaqaala ha ka hawl gala shabakadda wararka ee  Longlivesomaliland , oo u dabaal degaysa sannad guurada labaad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaa say.

Waxaad saxaafadda Somaliland ku soo kordhiseen farshaxannimo ,aqoon  sare ,waxaanad ku sifawdeen dhex dhexaadnimo ,kuna   gaadheen guul weyn oo la taaban karro oo dhan walbba  leh.

Ilaahay waxaan idiinka rajaynayaa inaad sannadka sannadkiisa kheyr ku gaadhaan dhammaantiiba.

Hanbalyo Hanbalyo Longlivesomaliland.com
 



Dr Mohamed Yuusuf

Hargeysa Somaliland
 

 

 

 



Waan idin jecelahay ee jooga oo jira


 

Longlivesomaliland waa shebekad wax badan oo lagu faano ku soo kordhisey bahda war baahinta .Weliba waxay ku darsatay farshaxanimo ku soo jiidanaysa si mug iyo miisaan badan.

Waa mareegta aan ugu hor furto markaan PCga dul joogsado.

Waxan indha soo mariyaa shebekadaha kale ee Somaliland wararka wara abiya ,markaan dhameeyo waxa ii caado ah inaan ku soo noqdo Longlivesomaliland ,anigoo naawilaya bal wax ku soo kordhay mudadii yar ayd een wax qoranayey ama email-ka farriimo cusub ka eegayey.

War cusub ayaan kala kulmaa shebekadan, waxanaan ugu habalyeenayaa Longlivesomaliland horumarkay gaadhey mudadii yarayd ee ay jirtey. waa mahadsantihiin.

 
Waan idiin jecelahaye jooga oo jira.


Ammaano Alla

Ahmed Yussuf Dualeh
London UK

 

 

 



Sumcaddii iyo Qaranimadii Somaliland Baad Kor U Qaadeen


 

Dhammaan shaqaalaha ka hawl gala Shabakadda caalamiga  ah ee Longlivesomaliland, waxaan idiin  soo dirayaa  hanbalyo kal iyo laab ah.

Sida laga wada war qabo, maanta adduunyadu waxay ku tar tamaysaa
Mediyaha iyo Aqoonta Technolgiyadda.Anigoo taa ka duulaya,waxaan idin leeyahay waxaad kor u qaadeen  Sumcaddii , Sharftii iyo Qaranimadii dalk eenna Somaliland.

Waxaana wax lagu faano ah,muuqaalka iyo habka loo dejiyey, oo aad ka garanayso in aqoon badan iyo waqti badan loo huray shabakaddan, indha haagana soo jiidanaysa.

Waxaad mudan tihiin Bilad Dahaba,taariikhda qormaysaa ee Somalilandna
baal dahaba ayaad kaga qoran tihiin.

Waxaan si gaara ugu hanbalyeynayaa,maskaxda iyo aqoonta ka danbeysa mareegtan,Engineer Mohamed Ali Muse (Farshaxan), waxaanan leeyahay waxaad gudatay waajib wadani ah oo dalkeenu u baahnaa.

Sumcaddii , Sharaftii iyo Qaranimadii Somaliland baad kor u qaadeen.



Ahmed Adan Cige

Hargeysa Somaliland

 

 


Waxaad tihiin Horyaalka mareegaha Somaliland iyo Somaliyaba

 


Waxaan halkan hanbalayo weyn uga dirayaa dhammaan hawl wadeenada
Bahda Longlivesomaliland ee ku kala baahsan dunida dacaladeeda.

Waxaad tihiin Horyaalka mareegaha Somaliland iyo Somaliyaba,taana wax aa u daliila ,Aqoonta,Muuqaalka,Dhex dhexaadnimda iyo Hawl karnimada
aad muujiseen mudada Labada sanno ah ee shabakaddu jirtay.

Waxaanad saxaafadda Somaliland ku soo kordhiseen Farshaxanimo aan ho re looga baran iyo design indhaha akhristayaasha aad u soo jiitey.

Waxaan ilaahay idiinka rajaynayaa inaad abaal gudkiinna ka heli doon taan dalkiinna iyo shacbigiina Somaliland .


Waxaan idiin rajaynayaa horumar iyo inaad sannadka sannadkiis kheyr ku
gaadhaan.

Waxaad tihiin Horyaalka mareegaha Somaliland iyo Somaliyaba

 


Cisman Ahmed Ali

Burco Somaliland

 

 


Hanbalyo sanad guuradii labaad ee websidka Longlivesomaliland.com

 

Waxaan  hanbalyeyenaynaa shabakadda Longlivesomaliland maamulkeeda ee uu madaxa ka yahay Engineer Mohamed Ali Muse iyo dhamaan  shaqaa laha  oo dhan .

Waa shabakada keliya ee wararkeeda  iyo tahniyadaheeda,aan  ka boga no, isuna soo dhawaysay dadkii ama akhyaartii macruufka ahaa oo dhan. 

Waxaanan leenahay , sidaa ku sii wada dadaalkiina , waxaana idin soo hanbal yeynaya oon halkan ku joogna:

- Omar Mohamed Horeh
- Abdi Abdillahi Jire
- Hassan Mohamed Horeh ( Hassan Xoog)
- Mahamoud Mohamed Horeh ( Camuudo)

Waxaanan leenahay sannadka sannadkiisa Alleh ha ina kulansiiyo, Aamin
 


Omar Mohamed Horeh

London UK

 

 

 


Hanbalyo Hanbalyo

 

Aniga oo ah Suhuur Nuur Ciise, waxan hanbalyo hawada u soo marinayaa shabakada longlivesomaliland.com.Waxaan ilaahay idinka baryayaa inaad ku gaadhaan  nabad iyo guul sanad guuradan sanad guuradeeda kale.

Waxaad tihiin horyaalka warbaahinta ee somaliland, waxaanad taa ku mut eysateen dhexd hexaanimo, iyo aqoontiina iyo dhiiranaantiina aad goor wa lba aad runta u hiilisaan.

Waxaad tihiin warbaahinta kaliya ee runta soo gudbisa, ee aan u adeegin xisbina, ee u adeegata danta iyo sharafta Jamhuuriyada Somaliland oo kaliya.
 


Suhuur Nuur Ciise

Australia

 

 

 



Hanbalyo Wacan Sanad Guurada Longlivesomaliland Media

 

Hanbalyo Hanbalyo Tafatiraha Guud Engineer Maxamed Cali Muse (Farshaxan) iyo dhamaan shaqaalaha shabakada longlivesomaliland.com

Waxaan Hanbalyo kal iyo lab ah hawada u marinaynaa sanad guurada labaad ee Shabakada Caalamiga ah www.longlivesomaliland.com .

Waxaad labadaa sano soo kordhiseen wax wayn oo aan indhaha laga  qars an karin,dhinacyada Wararka, Maqaalada,Taariikhaha, Sheekooyinka, cash adarada diiniga ah,Gabayada, Maansooyinka,Barnaamijyada dhagaysiga ah iyo Farshaxanimada Dheeraadka ah ee aad dheertihiin shabakadaha kale.

Anigu waxaan mar labaad aad idiinka mahad celinayaa Taariikhda mujaahid iinta Ururka Afraad ee Hooyodii Halkaganka SNM, sida wanaagsan ee aad u kaydiseen Taariikhda iyo Sawirada Mujaahidiinta, waanad ku mahadsan ti hiin ee dadaalkiina sii laban laaba oo haka caajisina.

Waxaa kale oo aan Hanbalyo u dirayaa dhamaan Umada muslimiinta ah Bi sha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Illaahayna khayrkeed ha ina siiyo.


Allaa Mahad leh




Muj.C/kariin Cali Buux

Hargeisa/Somaliland

 

 

 


Hanbalyo Hanbalyo

 


ASCWW,

You did the Best design and Presentation on this Hero's Memorial and i do appreciate this and all you do with every article i send for publication.

Please do accept my congratulations on your anniversa ry.You are the Best.Keep the good work for our Nation.

 



Ahmed Arwo

 

 

 


Hanbalyo Hanbalyo

 


ASCWB

Dhamaan shaqaalaha shabakada iyo dadweynahay inta badan soo booqda ee macmiisha ah waad salaamantihiin.

Waxan ilaahey idin ka baryayaa inaad guul iyo barwaaq ku gaadhan sana dka sanadkiisa, ilaaheyna hawlaha idin fududeyo aad ummada u heysaan


Omar Darood Xassan

Norway

 

 

 


Hanbalyo Hanbalyo

 

Marka koowaad waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan hawl wadeenada shabakada maxaliga ah ee longlivesomaliland.com ,meel kast oo ay joogaanba.

Waxan sidoo kale mahad naq balaadhan u soo jeedinayaa Tifatiraha guud ee shabakada,  Eng Mohamed Ali Muse, waxaanan leeyahay dadaalka aad dalkaaga iyo dadkaaba u qabataa waa mid aanu ogsoonahay waanad ku mahadsantahay.

Waxa lagaaga baahan yahay inaad halkaa ka sii wado ilaa inta aad ka mid ho dhalinayso ujeedooyinka guud ee qarankeena curdinka.

waxa kale oon halkan kaaga marag furayaa anigo ka mid ah Akhristayaa sha sida jogtada ah ula socda hawlaha sida hufnaanta ah aad ugu qabato bulshadaada waana mid bulshadu kuu ogtahay

ugu dambayn waxaan leeyahay sii wada dadaalkiina

wabilaahi tawfiiq

Axmed Aw Cabdilaahi Khaliif
Finland

 

 

 


Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo

 

Hambalyo sannad guurada Labaad ee aasaaska Shabakadda Longlivesomaliland.com

Bahda shabakadda wararka ee Gabiley News Media, Waxay hambalyo u diraysaa Shabakadda Wararka ee Longlivesomaliland.com, oo maanta u dabaal degaysa sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay shabakadda Caalamiga ah ee Longlivesomaliland.com.

Maamulka iyo Dhamaan Hawlwadeenada Shabakada wararka ee Gabiley News,waxay leeyihiin Sanad Guuro wacan oo wanaagsan, waxaanu illaahay ka baryaynaa inuu sanadka sanadkiisa inagu gaadhsiiyo Bashbash iyo Barwaaqo, Akhristeyaasha Longlivesomaliland.com. waxaanu leenahay
Hambalyo Hambalyo Hambalyo.



www.Gabiley.net

Maamulka Shabakada Wararka ee Gabiley News
 

 

 

 


Hanbalyo Hanbalyo

 


-Wasiru Dawlaha Wasarada Hawlaha Guud,mudane  Xirsi Aw Cabdi Sheekh
-Badhasaabka Gobolka Gabiley,mudane  Maxamed Axmed Aw Cabdi
-Maayarka magaalada  Gabiley, mudane Aadan Muxumed Bade
-Maamuulka iyo shaqaalah TV   Qaranka
-Maamulka iyo shaqaalaha Idaacad Radiyo Hargaysa


waxay hanbalyo aan la soo koobi karayn u dirayaan, shabakadda wararka ee Longlivesomaliland , munaasabadda sannad guurada labaad ee ka soo wareegtay maalintii  shabakadda la aasaasay.

 

By:Nimcaan Ibraahim

 

 

 


Hanbalyo Hanbalyo

 


Maamulaha Dusiga Sare ee Timacade, Maxamed Maxamud Aw Saleebaan,
isagoo ku hadalaya magaciisa ,magaca macalimiinta, iyo ardayda dugsiga sare ee Timcade, waxa ay hababalyo u dirayaan shabakadda wararka ee www.longlivesoamaliand.com, munaasabadda sannad guurada labaad ee ka soo wareegtay maalintii  shabakadda la aasaasay.
 


Nimcaan Ibraahim

 

 

 


Hanbalyo Hanbalyo

 

 

Wariye Aadan Cabdi Ciidle - HCTV
Wariye Nimco Muxumed Ibraahim
Wariye Niciima Yusuf Cilmi
Wariye Fihiima C/raxmaan Yaasiin
Wariye Axmed Sh. Nuur Ducaale
wariye C/risaaq Axmed Hayaan
Ciyaaryahan Subeer Yusuf Cumar
Ciyaaryahan C/raxmaan Daahir Muxumed
iyo dhaaman kooxaha kubada cagta ee heerka labaad

waxay hanbalyo aan la soo koobi karayn u  dirayaan, shabakadda wararka ee www.longlivesomaliand.com ,  munaasabadda sannad guurada labaad ee ka soo wareegaty maalintii shabakadda albaabada loo furay, August 24,2007 




Nimcaan Ibraahim

 



 

 


Hanbalyo Wacan Oo Wanaagsan

 


Hanbalyo hanbalyo Tafatiraha Engineer Maxamed Cali Muse iyo dhamaan shaqaalaha shabakada longlivesomaliland .com

Waxaad qabateen hawlo badan mudadaa labada sano ah .Waxay labadiina sano u dhigantaa labaantan sano ha wsheed.waxaad ku sifawdeen dhex dhexaadnimo iyo da acadnimo hawl kar iyo in aad gudataan waajibka aad um adda u haysaan.

Warar sugan oo saxa, suugaan hufan oo dadka raali galisa ayaa umadu id iinka baratay,aad baan idiin hanbalyaynayaa ,waxaanan ilaahay idinka  raj aynayaa sanado kale oo badan oo aad nala joogtaan .


Ramadaan wacan ilaahay khayrka ha ina siiyo

Siciid Cabdi Dheen

London, UK


 

 

 

Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo

 


Laba jirsiga Longlivesomaliland.com, waxan leeyahay Samaydaa ma liicdo, mana lig liganto oo liishaankaa ma seego.

Waxan halkan uga hanbalyaynayaa, guud ahaan dadka ka hawl gala mare egta LongliveSomaliland.com , ee ku baahsan dunida, gaar ahaana ninka sida xilkasnimada xirfadaysan ugu xaytay, waa Maxamad Cali Muse (farshaxan-e), xog ururinta iyo baahinta arimaha Somaliland, ee ladaabta nooga dhigay warka iyo waayaha, waxan leeyahay, ha liicina, ha ligliganin a, liishaankiinuna ma seego yoolkiisa.

Hanbalyo Longlivesomaliland.com.


Cali Cumar Xasan

Holland


 

 

 

Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo Longlivesomaliland.com

 


Asalaamu Calaykum Waraxmatu Laahi Wabarakaatu,Ramadaan Kariim dhammaantiinba.

Hambalyo hambalyo Hambalyo ayaanu leenahay Sanadguurada aad u dab aaldegeysaan bahda LongliveSomaliland.com, Tifaatiraheeda iyo weriyaash eeda dunida dacaladeeda kala jooga.

Aniga oo ah Adam Yusuf Alin,  waxan idin leeyahay Saaxiibayaal Farshaxa nka wanaagsan ,Farsamada wacan , iyo wararka xiisaha badan ee darayga ah iyo hambalyooyinka iyo salaamaha iyo keega is barkan ee aroosyada aad u soo bandhigtaan macal dhawaqii heestii arooska ee aad la barbar  ta agan tihiin wadaniyiinta Soomaaliland waad ku mahadsan tihiine halkaa ka sii wada .

Waxanan idin leeyahay mar labaad Hambalyo sanadka sanadkiisana ku gaadha guul insha alla.

Madaxiin ha jiro Longlivesomaliland. Magaciinaaba i qiira geliya saaxiibaya al.

 


wa bilaahi tofiiq wa ramadaan kariim dhamaantiin

Adam Yusuf Alin
Stockholm,Sweden

 

 

 

Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo

 


Hambalyo sannad guurada Labaad ee aasaaska Shabakadda Longlivesomaliland.com

Bahda shabakadda wararka ee TogaHerer News Network, Waxay hambalyo u diraysaa Shabakadda Wararka ee LongliveSomaliland.com, oo maanta u dabaal degaysa sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay maalintii la
aasaasay shabakadda.

Webmaster ka , Golaha Tafatirka , Wariyayaasha ,qorayaasha,Togaherer .com  , waxay leeyihiin Hambalyo Hambalyo dhammaan,Tafatirayaasha,soo saarayaasha, Wariyayaasha iyo dhamaan akhristayaasha Bogga LongLiveSomaliland meel walba ooy adduunka joogaanba


Hambalyo
Hambalyo Hambalyo


www.togaherer.com

Golaha Tafatirka TogaHerer
www.togaherer.com


 

 

 

Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo

 

Maanta oo bishu tahay 24-8-2009, kuna beegan maalintii albaabada loo fu ray websiteka Longlivesomaliland,ayaa aniga oo ku hadalaya magaceyga iyo Xaaskeygaba u dirayaa hambalyo aan lasoo koobi karayn dhammaan shaqaalaha Longlivesomaliland ee dunida oo dhan ku nool .

Waxaan si buuxda ugu faraxsanahay sida hufan ee daacadnimadu ka muu qato ee aad wararka idin soo gaadha u soo ban-dhigtaan.Isla markaasna u raali gelisaan macmiishiina iyo akhristayaasha kale ee faraha badan.

Gabogabo guuleysta.



Maxamed yuusuf Buux

Dordrecht Wadanka Holland
 


 

 

 

MAHADNAQ IYO HAMBALYO

Aniga oo ah Isaxaaq Cabdi Guuleed , waxaan halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa dhamaan shaqaalaha iyo mulkiilaha shebekeda ama website ka longlivesomaliland.com.Waxaana aad iyo aad ugu  mahadsan tihiin sida sharafta iyo quruxda badan ee aad iigu xayeysiisen ama aad  iigu soo bandhigteen hanbalyadii meherkaygii.

Waxaan kaloo idiinka mahad celinayaa sida hufan ee aad wararka noo soo gaadhsiisaan weliba kalsoonida badan.Waxaan kaloo idin leeyahay waad ku mahadsan tihiin sidii xilkasnimada iyo kal gacalka ahayd iyo weliba  walaalti nimadu ku jirtay.

Waxaan idiinka mahad celinayaa inka badan 100 jeer , meherkaas oo dhac ay taariikhdu markay ahayd 18.7.2009 kana dhacay Hargeysa.


Waad Mahadsantihiin


Dhamaantiin khayr baan idinkaga tegayaa

By:Isaxaaq Cabdi Guuleed
cadde857@hotmail.com


 

 

 

mahadnaq

 

Waxaan Shabakadda wararka ee  LONGLIVESOMALILAND uga mahad celinayaa shahaado sharafta ay i guddoon siiyeen iyagoo qiimaynaya hawl gallaydayada ku jahaysan dhinaca kobcinta qaddiyada Somaliland iyo horumarkeeda.

Waxaan anigoo ku faraxsan, leeyahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin waa nan idinka guddoomay shahaadadii aad i siiseen.

Run ahantii shabakada wararka ee  LONGLIVESOMALILAND, waxay ka mid tahay warsidayaasha Somaliland ee wararkooda iyo faalooyinkooduba ay yihiin kuwa ka turjumaya qawaaniinta iyo anshaxa wanaagsan ee saxaafadda xorta ah.

Wararka shabakadani waxay ku salaysan yihiin xaqiiq, madax banaani, danta guud ee ummada iyo dhex dhexaadnimo, waana calaamadaha lagu yaqaano saxaafadda wanaagsan ee waxtarka u leh bulshada

Waxaan ugu hambalyaynayaa LONGLIVESOMALILAND horumarka ay ka gaadhay tabinta warar iyo faalooyin tayo leh, waxaanan u rajaynayaa inay sii wado shaqada wanaagsan ee ay Shabakadani u qabato akhristayaasheeda.

 

  

Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar


 

 

 

Waxaan halkan mahadnaq uga dirayaa iyo salaan Bahda LongLiveSomali land News Media, kaasi oo ku sahabsan sidii wacneyd ee xilkas nimadu , kal gacalku ku jirtay iyo weliba waaltinimadu , ee ay u xayeysiiyeen meherkii Inantayda   Hibaaq Maxamed Taariikh 11-4-2009  ee ka dhacay Holland.


Waxaan idin leeyhay aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin ,waxaan idiin hayaa abaal aad u weyn oo abid intaan noolahay aanan iloobeyn.


Waxaa kale halkan mahadnaq uga dirayaa dhammaan asxaabtii kale ee ka soo qayb gashay xuska maalintaas,dhammantiina waad mahadsantihiin.
 


dhammaantiin guuleysata insha alla..
 

Maxamed Yuusuf Buux
Holland
 


 

 

 

Waxaan idiinku hanbal yaynayaa sida fiican ee aad u qortaan wararka Gobolka Gabiley iyo sida wanaagsan ee aad u habayseen designka website-ka.Waxaan idin leeyahay waad dadaalaysaan halkaa ka sii wada

Mustafe Future
Gabiley News (Gabiley)

 

 



Anigoo ku hadlaya magaca reer Jirde waxaan mahad celin u gudbinayaa dhamaan maamulka shabakadda long live Somaliland tacsidii aad naga soo tacsiydayseen , idinkoo ka tiiraanyeysan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde.

Waxaa kale oon idiinka mahad celinayanaa sidii hagar la'aanta ahayd eed noogu soo gudbinayseen tacsidii ay noo soo dirayeen dadweynaha reer Somaililand.

Maalinta dhibaato kula soo daristo ayaad ogaataa walaalka dhabta ah ,waxaanad noo muujiseen walaaltinimo iyo sharaf.Abaalkaa aad noo gasheenna waa mid reer Jirde idiin hayaan.

Waxaan ilaahay idiinka rajaynaynaa In Jasaaigeeda ilaahay idin
siiyo


 



Wa bilaahi tawfiiq


Ehelada Reer Jirde


 

 

 

Aniga oo ah Adam Yusuf Caalin kana mida qurba jooga Somaliland ee ku nool wadankaSweden Magaalo madaxdiisa Stockholm waxan hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa shabakada "LONGLIVESOMALILAND" oo maanta u dabaaldegaysa sanadguuradeedii dhidibada loogu taagay , Waxanan leeyahay Magaca aad la baxday baaba kuugu filan hambalyee
madaxaa ha jiro .

Runtii websidkan oo ka mida kuwa ugu xiisaha badan ee aan booqdo markaan u oomanahay wararka aduunka iyo kii dhulkii hooyaba waxa aan kala kulmaa warar aad xiiso galiya iigana farxiya isagoo websidku ku sifoobay dhexdhexaadnimo marka aad akhrinayso
warka uu ka soo tabinayo dalkii markay tahay MUXAAFID IYO MUCAARIDBA .

Markaa waxa iyaguna halkan ka soo salaamaya Marwadayda , iyo caruurtayda oo runtii u bogay raalina geliyey wararka iyo muqaalka ay LONGLIVE SOMALILAND ka soo gudbiso dunida dacaladeeda . waxanan leenahay mar labaad HAMBALYO HAMBALYO SANADGUURADIINA .
Cimrigaa ha jir ee  halkaa ka sii wad dadaalka.

 


WA BILAAHI TOWFIIQ



Adam yusuf Caalin
Sweden

 

 

 

Waxan hanbalyo hagar-la-aana u soo dirayaa dhamaan dadka ka hawlgala Websaytka LongLiveSomaliland.com, oo aan leeyahay hankiina iyo hiigsigiinu ha idiin rumoobo.

Waxad haysaan hawl aad iyo aad u qiimo badanood u haysaan dadkiina iyo dalkiina, Ilaahay ha idin karsiiyo, idinka iyo dhamaan inta kale ee sidiinaa ugu xaydan danta guud.

Gu' gaa aad jirteen guul buu ahaa samo ku Gardaadsamay.



Hanbalyo mar labaad.



Cali Cumar Xasan

 

 

 

Waxan aad iyo aad u hanbalyeynayaa Bah weynta  LONGLIVESOMALILAND sanadguurada koowaad ee ka soo wareegtay dhalashadii hanaankan fiican ee u shaqaynaya bulshada Somaliland ama arrimaha Geeska Afrika.

Waxan leeyahay ha daalina halkaa ka sii wada Carabtu waxay tidhaahdaa ninkii beera ayuu baa goosta midhaha , waad gaadhi doontaan himilada wanaagsan eed hiigsanaysaan.

Salaanta islaamku korkiina ha ahaato

 

 ABDIRAHMAN IBRAHIM BOUH
 

 

 

HAMBALYO SANADGUURADA KOOWAAD EE AASAASKA SHABAKADDA LONGLIVESOMALILAND.COM


Bahda shabakadda wararka ee TogaHerer News Network Waxay Hambalyo u diraysaa Shabakadda Wararka ee LongLiveSomaliland.com oo maanta u dab aal degaysa sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay shabakadda.

waxaana aanu leenahay Hambalyo Hambalyo dhammaan Tafatirayaasha Soo saarayaasha Wariyayaasha iyo dhamaan akhristayaasha Bogga LongLiveSomaliland meel walba ooy adduunka joogaanba

 


Hambalyo Hambalyo Hambalyo

www.togaherer.com

 

 

 

Assalaamu Calaykum,

Mahad balaadhan iyo bogaadin diiran iga guddooma. Waxaan aad ugu diirsaday sida quruxda badan,farsamada sare iyo farshaxanka habaysan eed u soo bandhigteen ta hniyaddii arooska curadeyda.

Waxaad ii muujiseen kalgacal iyo wanaag dadkeena in yar laga helo. Qiimeynta iyo qadarinta aad ii fidiseen waxay noqon doontaa mid aan abaalkeed idiin hayn doono.

Mahad aan duugoobin iyo bogaadin diiran ayaan idiin gelin doonaa xuusuus qorkayga.
 


Waad iga farxiseen ee ILAAHAY haydinka farxiyo.



Axmed Xasan Carwo
Cardiff , UK

 

 

 

 

HAMBALYO  HAMBALYO
LONG LIVE SOMALILAND

Waxaan shabakadda L.L.SL hawada u soo marinayaa hambalyo iyo salaan munaasabadda 17-guurada ee xornimada Somaliland.


Mar labaadna waxaan idinku hambalyeynayaa shabakada L.L.SL.oo ay run ahaantii ka muuqato aqoon iyo xirfad dheeraad ah

 

Eng. Architect: Hussein Adan Igeh (Deyr)
Birmingham ,  UK